Warbixin: caburinta lagu hayo warbaahinta Puntland

Image

November 20, 2015 (GO)- Labadii sano ee u dambeeyey (2014/2015) waxaa cirka isku shareeray cadaadiska iyo caburinta lagu hayo warbaahinta ka hawlgasha deegaanada Puntland, arintaasoo hay'adaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqul insaanka iyo madax bannaanida saxaafaddu walaac xooggan ka muujiyeen.

Tacadiyada ka dhanka ah warbaahinta ee isugu jira xarigga, cago-jugleynta iyo caburiska ayaa kordhay wax ka badan %70 marka loo barbardhigo keysaskii dhacay (2013/2012).

Sanadkan 2015 oo qura waxaa la xiray lix wariye, waxaa shaqada laga joojiyey afar warbaahinood, waxaa la jirdilay saddex wariye tobanaan kalena waxaa loogu hajabay in la xiri doono.

Caburinta warbaahintu waxay kamid tahay tilmaamaha madaxda Afrikaanka ee siyaasadda ku fashilma kuwaasoo aan aalaaba jeclayn in la sheeg sheego dhaliilahooda.


Mudaaharaadka wariyeyaasha

La mood; noqonse waa!

Ballanqaadyadii tirada badnaa ee Madaxweynaha xilligan ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali  uu sameeyey xilligii ololaha doorashada iyo markii la doortay kadib, waxaa kamid ahaa in xukuumaddiisu dhiiri gelin doonto xoriyatul qowlka islamarkaana ilaalin doonto madax bannaanida saxaafadda.

Rajo weyn ayaa laga qabay in wax isbedeli doonaan, maadaama bahda warbaahintu waxoogaa dhaliilsanayd qaabka xukuumaddii Madaxweyne Farole ula macaamili jirtey warbaahinta madaxa banaan. Nasiib darro ballan-qaadkaas isaga ahi ma noqon mid haba yaraatee wax ka hirgaleen, balse taas bedelkeeda waxay xaaladdu isu rogtey "Ka dar; oo dibi dhal".

Xukuumadda Gaas waxay wax ka bedeshay qodobo kamid ah Xeerka Saxaafadda Puntland  ee la ansixiyey sanadkii 2013. Qodobada wax laga bedeley waxaa kamid ah qodobka ku saabsan bixinta aqoonsiga shaqaalaha ka hawlgala warbaahinta madaxa bannaan.

Maah maahda "La mood; noqonse waa!" ayaa  waayadan dambe halhays u noqotey bahda warbaahinta Puntland, marka ay cabirayaan fikirkooda ku aadan ballan-qaadii Cabdiweli Gaas warbaahinta u sameeyey xilligii uu murashaxa ahaa, wixii la filayey iyo sida hadda xaal noqday.

Hadaba akhristow si aad u ogaatid xaqiiqada jirta, u qiyaastid baaxadda dhibaatada lagu hayo saxaafadda madaxa bannaan, kadibna fikirkaaga gaar ah ugu cabirtid,  waxaa lagama maarmaan noqoneysa in aad dib u milicsato keysaska la xiriira arrintan ee dhacay laga soo bilaabo July 2014 ilaa November 2015.


July 21, 2014- Baarlammaanka ayaa ansixiyey wax-ka-beddel Wasaaradda Warfaafintu ku sameysey xeerka saxaafadda. Xeerka saxaafadda ee cusub ayaa ah mid wax u dhimaya madaxbannaanida warbaahinta maadaama uu dhigayo in dhammaan wariyeyaashu kamid noqdaan shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta. HALKAN KA EEG

August 07, 2014 - Waxaa magaalada Garowe lagu xiray Faadumo Yuusuf Siciid (Taxadar) oo ka hawlgasha Idaacadda Daljir xarunteeda koowaad ee Bosaso. Fadumo oo xilligaas hawlo shaqo u joogtey Garowe wuxuu xarigeedu yimid kamid markii ay waraysi siisey Idaacadda VOA.  HALKAN KA EEG

Sept 20, 2014- Dowladda ayaa ku amartay shirkadaha isgaarsiinta ee ka hawlgala Puntland in ay hawada ka saaraan shan kamid ah mareegaha wararka ee Soomaalida kuwaasoo kala ah: GaroweOnline.com, Puntlandtoday.com, Galgalanews.com, Puntlandnow.com, Jidbaale.com iyo Xaysimo.com. HALKAN KA EEG

September 28, 2014- Waxaa xabsiga loo taxaabay dhammaan shaqaalaha Puntland TV xaruntiisa weyn ee Garowe. Xarigga wariyeyaasha ayaa yimid kadib markii ay sameeyeen shaqo joojin ay ku dalbanayeen in la siiyo mushaharaadkooda oo muddo bilo ah aysan helin. HALKAN KA EEG

December 7, 2014- Taliyahii hore ee booliska gobolka Nugaal Axmed Cabullaahi Samatar (Layli) ayaa ugu hanjabay inuu xabsiga u taxaabi doono weriye Cali Cabdi Ducale oo ka tirsan Radio Garowe. Hanjaabadan ayaa timi ka dib markii wariyaasi baahiyay war ku saabsan wadayaasha gaadiidka dadweynaha oo cabasho ka muujiyay lacago ay sheegeen inaysan xamili karin oo dowladdu kusoo rogtey. HALKAN KA EEG

December 12, 2014- Ururka weriyeyaasha aan xuduudka lahayn ee (RWB) ayaa walaac ka muujiyey cadaadiska dowladdu ku hayso warbaahinta ka hawlgasha deegaanada Puntland. HALKAN KA EEG

January 21, 2015- Booliska Garowe ayaa xiray Xuseen Yaasiin Godo Godo oo ah tifatiraha shabakada Shacabka Media. HALKAN KA EEG

May 19, 2015- Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu amray in la xiro xafiisyada telefishinka SNTV (Somali National Television ) ee Puntland kadib markii lagu soo eedeeyey in uu baahiyey war been abuur ah oo ku saabsan qaabka Puntland ugu gurmatey qaxootiga kasoo qaxaya dalka Yemen. HALKAN KA EEG

May 23, 2015- Booliska degmada Garowe ayaa xabsiga u taxaabey agaasimihii hore ee idaacadda Daljir qaybteeda Garowe Cabdiraxmaan Xuseen Xasan (Gaardi) iyo wariye kale oo isna ka tirsan Daljir laguna magacaabo Jamaal Faarax Aadan. Xarigga labada wariye ayaa yimid kadib markii idaacadda laga sii daayey barnaamij dood ah kaasoo ay marti ku ahaayeen gudoomiyihii ugu horreeyey baarlammaanka Puntland Yuusuf Xaaji Siciid iyo Aqoonyahan Siciid Nuur Geedi, islamarkaana diiradda lagu saaray ammaan xumada ka jirta Puntland, hoos u dhaca dhaqaalaha iyo weliba ballan qaadyadii xukuumadda Madaxweyne Gaas sameysey oo ilaa iyo hadda wax badani ka hirgelin. HALKAN KA EEG

May 26, 2015-  Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dowladdu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto warbaahintii laga arko inaysan dhex dhexaad ahayn. Waraysi uu siiyey idaacadda VOA ayuu ku sheegay inay jiraan qaybo kamid ah warbaahinta oo wareysta mucaaradka keliya islamarkaana baahiya dacyaadaha ka dhanka ah dowladda, arrintaasina tahay mid aan loo dulqaadan karin. HALKAN KA EEG

May 27, 2015- Wariyaha VOA ee gobolka  Bari Faadumo Yaasiin Jaamac  iyo Yuusuf Maxamuud Yuusuf oo isna ah wariye kale o ka tirsan Idaacadda SBC ayaa muddo kooban lagu xiray magaalada Bosaso. Guddoomiyaha maxkamadda racfaanka ee gobolka Bari Sheekh Axmed Cali Axmed ayaa bixiyey amarka lagu soo xiray wariyeyaasha isagoo sababtana ku sheegay inay aflagaadeeyeen garsooyaal ka tirsan maxkamadda racfaanka. HALKAN KA EEG

July 19, 2015- Ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Gaas ayaa garoonka diyaaradaha ee Galkacayo ku jir diley saddex wariye oo lagu kala magacaabo Siciid Nadaara, Maxamed Cabdicasiis iyo Imaan Maxamed Jaamac. HALKAN KA EEG

August 12, 2015- Wasaaradda Warfaafinta Puntland  ayaa dacwad ka gudbisey Radio Sahan oo ah idaacad FM ah oo ka hadasha magaalada Garowe . Eedeymaha Wasaaraddu usoo jeedisey idaacadda waxaa kamid ahaa: 

  1. In Dowlada Puntland dhaqaale daro soo food saartey taasna ay keentey in munaasabadda Kowda Agoosto baaqato.
  2.  In kharaj fara badani uu ku baxo madaxtooyada Puntland.
  3. In lacag badan lagu soo kireeyey fanaaniin, si ay uga heesaan xaflad ka dhacday madaxtooyada.
  4. Iyo in  In kooxda Al-shabaab raadineyso fursado ay ku weerarto degaanada Puntland. 

HALKAN KA EEG

September 16, 2015- Amar kasoo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamud Xasan Soocadde ayaa lagu mamnuucay in la baahiyo Idaacadda Radio Muqdisho. HALKAN KA EEG

October 29, 2015- Waxaa amar kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Puntland  shaqada looga joojiyey idaacadda VOA xafiisyadeedeeda Puntland. HALKAN KA EEG

November 10, 2015- Warqad kasoo baxday Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa shaqada looga joojiyey Wariye Jaamac Deberaani. HALKAN KA EEG

November 19, 2015- Waxaa xabsiga loo taxaabay welina xiran Weriye Jaamac Deperani kadib markii uu ka dhega adaygay shaqo joojintii aan sharcia ahayn ee lagu soo rogey.

Xoriyad ka qaadista saxaafadda iyo caburinta dadka ayaa qayb ka ah fashillada ay wajahayso xukuumadda Dr. Gaas oo muddadii ay hoggaanka siyaasadeed ee Puntland haysey ku guul daraysatey arrimo badan oo ay kamid yihiin: sugidda amniga, dhaqaalaha iyo xiriirka ay la leedahay deeq bixiyeyaasha caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Balan-qaadka laba geesoodka ah ee Tanzania u sameysay Soomaaliya

Hogaamiyeyaasha labadan dal ayaa dhowaan waxa ay ku kulmaan magaalo madaxda Dar es Salaam.

  • Warbixino

    30-04-2024

  • 04:38AM

Quraafaadkii joojiyay qodista ceelka ugu dheer guud ahaan caalamka

Qodista ayaa bilaabatay 24-kii May 1970 iyadda oo la joojiyay 1995 dhaqaale la'aan awgeed.

  • Warbixino

    23-04-2024

  • 05:23AM