Canada oo mamnuucdey in xoolaha lagu tijaabiyo agabka la isku-qurxiyo

Image
Talaabadan ayaa Canada waxay ku daraysaa dalalka Midowga Yurub, Australia, Boqortooyada Ingiriiska, iyo Kuuriyada Koonfureed.

OTTAWA, Canada - Kanada ayaa mamnuucdey in xayawaanka lagu tijaabiyo waxyaabaha la isku qurxiyo kahor inta aan la isticmaalin. War-saxaafadeed kasoo baxay xukuumadda Ottawa ayaa sheegtay in talaabadan loo qaadey in lagu ilaaliyo xuquuqda xayawaanka.

Go’aankan ayaa qeyb ka ah qaraar lagu magacaabo Bill C-47 kaasoo khuseeya cunnada iyo dawooyinka. Talaabadan ayaa Canada waxay ku daraysaa dalalka Midowga Yurub, Australia, Boqortooyada Ingiriiska, iyo Kuuriyada Koonfureed.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in mamnuucida ay qeyb ka tahay in aan la qurxin karin xayawaanadda. Wadar dhan, 44 wadan ayaa meelmariyay sharci mamnuucaya in lagu tijaabiyo xoolaha waxyaabaha la isku qurxiyo.

Intaa waxaa dheer, 10 gobol oo ku yaalla Mareykanka ayaa horey u qaatay go’aan noocaan oo kale ah. Ismaamuladan ayaa kala ah; New York, Virginia, California, Louisiana, New Jersey, Maine, Hawaii, Nevada, Illinois, iyo Maryland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabsida cagafyada Muqdisho: Yaa la siiyaa dhulka marka shacabka laga dumiyo guryahooda?

Dowladdu waxay ku doodaysaa in qoysas badan ay degeen dhul dowladeed kaddib…

  • Warbixino

    29-08-2026

  • 01:46AM

Heshiiska $18 bilyan ee Meta: Maxay carruurta, waalidiinta iyo dunidu ka baran karaan?

Heshiiska, oo weli u baahan ansixinta maxkamadda, wuxuu noqon karaa mid…

  • Warbixino

    28-08-2026

  • 02:27PM