Danjire Maxamed Axmednuur Tarsan oo toosh kale lagu ifiyay

Image
Todobaadkii lasoo dhaafay, waxaa baraha bulshada aad u qabsaday muuqaal si sir ah looga duubay safiirka.

NAIROBI, Kenya - Todobaadkii lasoo dhaafay, waxaa baraha bulshada aad u qabsaday muuqaal si sir ah looga duubay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Axmednuur Tarsan kaas oo uu kaga hadlayay qabiilo Soomaaliyeed iyo kaftanadooda.

Diblumaasiga ayaa raaligalin ka bixiyay hadalkii laga duubay, inkasta oo la isla qirey in ay ahayd kaftan, islamarkaasna aysan munaasab ahayn in ogolaansho la’aantiisa la duubo, kadibna la baahiyo.

Asbuuc kadib, markale ayay Tarsan diiradda haysaa, waxaana ku dhegan Hantidhawraha Guud ee Soomaaliya oo shir jaraa’id ka sheegay in ay maqan tahay lacag dhan hal milyan oo doolar oo daqli ahaan ay u uruuriyeen safaaradaha Kenya iyo Itoobiya.

Meesha uu qaladka ka arko Hantidhawraha ayaa ah in lacagtaasi aanan lagu soo shubin sanduuqa dhexe ee dowladda Soomaaliya, islamarkaasna la isticmaalay.

Sidda laga soo xigtey Hanti-dhowre Maxamed Cali Afgooye, lacagta la qabatay badankeed waxay ku baxdey safaaradda Soomaaliya ee Kenya, taas oo uu safiir ka yahay Danjire Tarsan.

Dhismaha safaaradda Soomaaliya ee Kenya ee dib loo howlgeliyay ayaa ku yaala xaafadda Westland ee Nairobi halkaas oo ka mid ah meelaha ugu qaalisan magaala madaxda.

Lacagta lagu dhisey inta badan waxaa laga uruuriyay ganacsatada Soomaalida Kenya iyo Dowladda Soomaaliya oo qeyb ahaan bixisay. Safaaradda iyo wasaaradda maaliyadda federaalka ayaanan weli wax jawaab ah ka bixinin eedeymihii Hantidhawraha guud ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabsida cagafyada Muqdisho: Yaa la siiyaa dhulka marka shacabka laga dumiyo guryahooda?

Dowladdu waxay ku doodaysaa in qoysas badan ay degeen dhul dowladeed kaddib…

  • Warbixino

    29-08-2026

  • 01:46AM

Heshiiska $18 bilyan ee Meta: Maxay carruurta, waalidiinta iyo dunidu ka baran karaan?

Heshiiska, oo weli u baahan ansixinta maxkamadda, wuxuu noqon karaa mid…

  • Warbixino

    28-08-2026

  • 02:27PM