Elon Musk oo hakiyey kireynta calaamadda baluugga ee Twitter-ka

Image
Lama ogga in ay tahay si kama dambeys ah ama in ay si ku meelgaar ah meesha looga saarey.

WASHINGTON, United States - Shirkadda weyn ee Twitter Inc ayaa Jimcahii shalay waxay hakisay adeegga is-diiwaangelinta qaabka cusub ee calaamada buluuga ah lagu heli karo oo ah $8 bil walba.

Talaabadan ayaa timid kadib markii akoonno been abuur ah ay soo baxeen. Milkiilaha cusub ee Elon Musk ayaa dib ugu soo celiyay calaamadda baluuga dhowr kamid ah isticmaalayaasha bartan.

Dhowr qof oo isticmaala bartan ayaa soo wariyay Jimcihii in uu meesha ka baxay batamkii is-diiwaan-gelinta, halka ilo wareedyo ay u sheegeen Reuters in gabi ahaanba la baabi'iyey mashruucan. Twitter ayaan wali ka hadlin arrinkan.

Calaamadda Baluuga ayaa horay waxaa si gaar ah u heli jiray akoonadda ay leeyihiin siyaasiyiinta, shaqsiyaadka caanka ah, saxafiyiinta iyo dadka kale ee bulshada.

Sheekadda ku saabsan in la kireynayo ayaa la soo saaray horraantii toddobaadkan si uu uga caawiyo Twitter inuu kobciyo dakhliga maadaama Musk uu u dagaallamayo inuu haysto xayeysiisyada.

Jahwareerka ayaa qayb ka ah laba toddobaad ah oo hubanti la'aan ah oo soo wajahadey shirkadda Twitter tan iyo markii Musk uu ku iibsadey aduun lacageed dhan $44 bilyan doolar.

Musk ayaa shaqada ka ceyriyay ku dhawaad ​​kala bar shaqaalaha Twitter-ka, wuxuuna meesha ka saaray guddigiisa iyo madaxdii sare, wuxuuna sare u qaaday rajada laga qabo in Twitter-ka uu kaco.

Guddiga Ganacsiga heer Federaal ee Mareykanka ayaa sheegay Khamiista inay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyadda iyo isbaddaladda Twitter waxaana ay "walwal qoto dheer" ka muujiyeen xaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabsida cagafyada Muqdisho: Yaa la siiyaa dhulka marka shacabka laga dumiyo guryahooda?

Dowladdu waxay ku doodaysaa in qoysas badan ay degeen dhul dowladeed kaddib…

  • Warbixino

    29-08-2026

  • 01:46AM

Heshiiska $18 bilyan ee Meta: Maxay carruurta, waalidiinta iyo dunidu ka baran karaan?

Heshiiska, oo weli u baahan ansixinta maxkamadda, wuxuu noqon karaa mid…

  • Warbixino

    28-08-2026

  • 02:27PM