Xog: gaadiidka bulletproofka ee loogu deeqay DF oo la lunsadey

Image

April 21, 2015 (GO)- Laga soo bilaabo markii  Xasan Sheekh Maxamuud loo doortey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa isbeddeley saddex xukuumadood kuwaasoo tirada guud ee wasiirrada, wasiiru dowleyaasha iyo wasiir ku-xigeenada xilalka kasoo qabtey kor  u dhaafeyso labo boqol, in badan oo kamid ah mas'uuliyiintaas waxaa la siiyey gaadiidka aanay xabaddu karin ee bulletproof-ka loo yaqaan.

Warsidaha Garowe Online oo isku dayey inuu wax badan ka ogaado halka ay ku dambeeyaan gadiidka noocaas ah ee wadamada saxiibka la ah shacabka Somaliyeed ugu deeqeen hay'adaha Dowlada Federaalka ayaa ogaadey in qaar badan oo kamid ah la lunsadey.

Xogtaan oo baaris aan ku sameynay ayaan ilo wareedyo lagu kalsoon sheegayaan in gawaarida aanay xabaddu karin ee xilligan ka maqan gacanta dowladda tiradoodu gaareyso afartan iyo labo gaari.

Warbixinta Garowe Online heshay ayaa sidoo kale xuseysa in wasiirrada ama xubnaha kale ee Dowlada Federaalka u shaqeeya ee kasoo jeeda gobollada aan ahayn koonfurta  lagala wareego gadiidka dowaldda marka ay xilalkooda waayaan, balse badi siyaasiyiinta reer Muqidisho iyo kuwa ay Madaxweyne Xasan Sheekh isku xisbiga yihiin aan weli laga qaadin gaadiidka dowladda.

Tiro kooban oo kamid ah gaadiidkaas ayaa xilligan ku sugan xafiisyada Dowlada Federaalka, maadaama wasiirrada xilalka laga qaadey gaar ahaan kuwa gacan saarka dhow laleh Madaxweynuhu aysan gawarida ku darin xil wareejintii ay sameeyeen bilihii lasoo dhaafey.

Xafiiska Ra'isal Wasaaraha ayaa horay u lahaa hal gaari oo ah nooca aanay xabaddu karin "bulletproof" kaasoo  February 20, 2015 ku burburey qaraxii ka dhacay Central Hotel ee lala beegsadey Ra'isal Wasaare ku-xigeenka Maxamed Cumar Carte. Xafiiska Ra'isal Wasaaraha ayaa hadda isticmaala hal gaari oo ay leedahay Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah.

In badan oo kamid ah xubnaha golaha wasiirrada ee Ra'isal Wasaare Sharma'arke ayaan kasoo bixin hoteelada ay dagan yihiin madaama aysan haysan gadiidka aanay rasaastu karin "bulletproof" gaadiidkaas oo lagama maarmaan ah marka la eego nolol maalmeedka magaalada Muqdisho.

Dowladda Imaaraadka ayaa ah wadanka ugu badan ee gaadiidka aanay xabaddu karin ugu deeqey Dowlada Federaalka Somalia hay'adaheeda kala duwan, madaama gadiidka noocaas ahi muhiim u yahay ammaanka saraakiisha dowladda iyo hawlaha dowladdu qabaneyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hindiya oo bilaabaysa maxkamadeynta shufta-badeed Soomaali ah

Kooxda ayaa waxay ku eedeysan yihiin in ay afduubatay markabka ganacsi ee MV Ruen oo sitay calanka Malta.

  • Warbixino

    21-03-2024

  • 04:59AM

Bogagii ay Dowladda Soomaaliya ka xirtey AS oo hawada kusoo laabtey

Barahan ayaa waxa ay isugu jiraan websites iyo akoono dhanka baraha bulshadda ah.

  • Warbixino

    16-03-2024

  • 07:11AM