Go’aanadii Laascaanood iyo Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya

Image
Go'aanada kasoo baxay shirka Laascaanood ayaa lagu diidey "mashruuca gooni-isku-taaga Somaliland".

GAROWE, Puntland - Tan iyo intii laga shaqo bilaabay qabyo tiriska dastuurka KMG ah ee federaalka 10 sano ka hor waxa halxiraale ku noqotay dadkii ka shaqaynayay sida ay ku suurtogali doonto in afti dadweyne oo dastuurka ay ka qeybgalaan dadka gobolada waqooyi.

Xeeldheerayaal badan ayaa ku doodi jiray in afti dadweyne oo loo qaado dastuurka in aysan sharci ahaan ansax noqon doonin haddii ugu yaraan qeybo ka mid ah gobolada Waqooyi aysan ka dhicin aftidaas.

Hadda waxa ay u egtahay in arrintaas xal loo heley kadib markii shirweyne ka dhacay Laascaanood la isku raacay in la taageero, laguna dhaqmo dastuurka KMG ah ee federaalka, taas oo ka dhigan in haddii afti loo qaadana dadka gobolka Sool ay ka qeybqaadan karaan codeyntaasi oo dabcan ka dhici karta magaalooyin cayiman.

Go'aanada kasoo baxay shirka Laascaanood ayaa lagu diidey "mashruuca gooni-isku-taaga Somaliland". Daahfurka wadahadal ayaa shuruud looga dhigay bixitaanka maamulka Hargeysa.

Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay "baaritaanka gabood-falada loo geystay shacabka" Dowladda federaalka ayaa loogu yeeray in ay "si gooni ah ula macaamisho" gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Kadib shaacinta go'aanadaas, dagaal ayaa ka qarxay Laascaanood halkaasoo ay ku nafwaayeen in ka badan 30 ruux shacab ah ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan oo ah 100 ruux.

Somaliland ayaa aad uga xumaatay go'aanada shirka iyadda oo sheegtay in aysan ogolaan doonin. Tani waxay su'aal gelinaysaa qaabka loo fulin doono go'aanadda shirkaas.

Ra'iisul Wasaaraha xukuumada Xamse Cabdi Bare ayaa bishii hore sheegay in qorshayaasha waaweyn ee sanadkan u yaala dowladda ay tahay in ay qabyo tirto dastuurka, lana soo saaro dastuur rasmi ah.

Lama ogga in dowladda ay afti u qaadi doonto dastuurka iyo in ay ku xalin doonto qaab eryooyin ah oo shirweyne ku ansixiya dastuurka ama nidaam baarlamaanka la marinayo.

Sidda ay wararku sheegayaan, guddiga labada gole baarlamaanka federaalka ee dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya iyo xubno ka socda maamulada ayaa dardar galiyay shaqada qabyotirka dastuurka oo la doonayo in sanadkan inta uusan dhamaanin la dhamaystiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Quraafaadkii joojiyay qodista ceelka ugu dheer guud ahaan caalamka

Qodista ayaa bilaabatay 24-kii May 1970 iyadda oo la joojiyay 1995 dhaqaale la'aan awgeed.

  • Warbixino

    23-04-2024

  • 05:23AM

Hindiya oo bilaabaysa maxkamadeynta shufta-badeed Soomaali ah

Kooxda ayaa waxay ku eedeysan yihiin in ay afduubatay markabka ganacsi ee MV Ruen oo sitay calanka Malta.

  • Warbixino

    21-03-2024

  • 04:59AM