Gulufka Al-Shabaab: Walaalaha safka labada dhinac uga jiray

Image
Ciidamadda ammaanka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn maanta soo xiray Sheekh Mustafa Caanood.

MUQDISHO, Soomaaliya - Waa labo shaqsi oo walaalo ah, hase ahaatee waxa ay kasoo kala jeedeen labo saf dagaalka haatan ka soconaya gudaha Soomaaliya, iyaga oo mid kasta uu u hadlo dhinaca uu ka tirsan yahay.

Mid waa afhayeenka wasaaradda gaashaandhiga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya waana Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood, xilkaasi oo bilo ka hor loo magacaabay.

Todobaadyadii lasoo dhaafay, warbaahinta ayuu kasoo muuqanayay isaga oo ay garaadada ku taxanyihiin oo ka waramaya khasaaraha la gaarsiiyay maleyshiyaadka Al-Shabaab, meelaha laga qabsaday iyo waliba guusha ay gaareen ciidamada dowladda.

Ciidanka Xoogga Dalka horey uma uusan lahayn afhayeen si joogto ah saxaafadda ula hadla, kana warbixiya hawlgalada dhacay, balse maadaamaa dalka la galiyay xaalad dagaal, waxaa daruuri noqotay in la magacaabo nin yaqaana xeerarka ciidanka, bulshadana ay hadalkiisa aaminayaan marka ay muuqaalkiisa arkaan darajada uu xiranyahay darteed.

Jeneraal Caanood oo xilakn horey usoo qabtey ayaa si lamid ah wuxuu horey usoo noqday Abaanduulaha ciidanka Xoogga Dalka, waxa kale oo uu soo qabtay xilal kala duwan.

Faafinta fikirka "Khawaariijta"

Dhanka kale, waxaa masaajid ku yaala Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho muxaadarooyin Al-Shabaab "lagu taageerayo ka jeedinayey" mudooyinkii dambe walaalkiisa, Sheekh Mustafa.

Wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah waxay ku dhawaaqdey in lasoo xiray wadaadkan kuna eedeysan yahay "faafinta fikirka Khawaariijta Al-Shabaab".

"Mustafa Caanood ayaa ah shakhsi caadaystay faafinta fikirka Khawaarijta, waxaana fariimihiisu ahaayeen kuwa loogu talo-galay in lagu marin habaabiyo dhalinyarada Soomaaliyeed," ayay wasaaraddu tiri

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Dawladda Soomaaliya waxeey mar kale ku celinaysaa in ay mamnuuc tahay nooc kasta oo ah faafinta iyo dhiirigalinta afkaaraha qalafsan ee Khawaarijta, afkaarahaas oo inta badan loo adeegsadey in lagu laayoboqolaal shacab ah oo aan waxba galabsan".

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey u iclaamisay dagaal dhanka milariga, dhaqaalaha iyo fikirka oo ka dhan ah Al-Shabaab hase ahaatee aysan wali wada dhaqan-gelin go'aanaddii ay kasoo saartey gulufkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabsida cagafyada Muqdisho: Yaa la siiyaa dhulka marka shacabka laga dumiyo guryahooda?

Dowladdu waxay ku doodaysaa in qoysas badan ay degeen dhul dowladeed kaddib…

  • Warbixino

    29-08-2026

  • 01:46AM

Heshiiska $18 bilyan ee Meta: Maxay carruurta, waalidiinta iyo dunidu ka baran karaan?

Heshiiska, oo weli u baahan ansixinta maxkamadda, wuxuu noqon karaa mid…

  • Warbixino

    28-08-2026

  • 02:27PM