Qofkii saacado badan isticmaala Instagram oo helaya fariin ka farxisa

Image

Hadii aad isticmaashid Instagram saacado badan, ogsoonow waxay shirkadda soo kordhin rabtaa maalmaha soo socda fariin toos kula hadlaysa, oo la yiraahdo “take a break” ka naso shaashadda indhaha ku haysay maantoo dhan.

Shirkadda Instagram ninka madaxd u ah Adam Mosseri ayaa muuqaal kooban oo Twitter soo dhigay ku sheegay in fariinta “Take a Break” [Ka naso shaashadda] ugu tala-galeen inaysan noqon dadka isticmaala [Users-ka], kuwa balwad u noqota aaladda, oo qabatiima.

Kuma qasabana qof walba in “Take a Break”, lasoo hadasho, qofkii aan rabin waxuu iska saari karaa Off, halka qofkii raba inuu ka nasto ka dhigan karo On, waxaana helaysaa 10, 20, ama 30 daqiiqo oo nasasho ah.

Tallaadaban ayaa timid kadib markii dad badan ay ku eedeeyeen shirkadda Facebook ooh adda la baxday [Meta], oo Instagram hoos tagta inay isticmaaliyaasha [Users-ka] maskaxda ka gumeystaan, oo aaladahooda u noqdeen balwad, aan laga dul-istaagin 24-saac.

Facebook oo markii fadeexad soo wajahday oo ku aadan xad-gudubka carruurta waxyaabo aan loogu tala-galin inay la wadaageen, ayaa magacii iska bedeshay oo la baxdey Meta, iyadoo ka carareysa magaca-xumo, maadaama ay tahay hooyadda aalado badan oo Instagram, Messenger iyo WhatsApp ay hoos yimaadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabsida cagafyada Muqdisho: Yaa la siiyaa dhulka marka shacabka laga dumiyo guryahooda?

Dowladdu waxay ku doodaysaa in qoysas badan ay degeen dhul dowladeed kaddib…

  • Warbixino

    29-08-2026

  • 01:46AM

Heshiiska $18 bilyan ee Meta: Maxay carruurta, waalidiinta iyo dunidu ka baran karaan?

Heshiiska, oo weli u baahan ansixinta maxkamadda, wuxuu noqon karaa mid…

  • Warbixino

    28-08-2026

  • 02:27PM