Kenya oo sheegtey in ay fashilisay weerar Al-Shabaab maleegtey

Image
Howlgalkan ayaa waxa uu ka dhacay xuduudka bari ee Soomaaliya iyo Kenya.

NAIROBI, Kenya - Kenya ayaa sheegtey in ay fashilisay weerar argagixiso oo laga soo wariyay xuduudka bari ee ay Soomaaliya la wadaagto, sida ay booliisku sheegeen Talaadadii.

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay lix qori oo AK47 ah, labo Baasuuke ah, labo bam gacmeed iyo alaabo kale intii lagu guda jiray howlgal Isniintii laga sameeyay ismaamulka Garissa, sida uu sheegay afhayeenka booliska Resila Onyango.

Booliska ayaa weerar ku qaaday xero ay ku sugnaayeen Al-Shabaab ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in kooxda argagixisadu ay xubno u direen Kenya bishii la soo dhaafay si ay weeraro uga geystaan.

"Guushu waxay ku soo beegantay xilli aan wajaheyno khataro kaga imaanaya argagixisada, howlgalku waa uu socdaa,” ayuu yiri Onyango.

Ururka Al-Shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya ayaa weerarro ku qaaday goobo ka tirsan gobolka, gaar ahaan magaalooyinka Mandheera, Wajeer iyo Gaarisa ee gobolka Bari ee Kenya.

Weerarada ayaa yimid kadib markii ay Nairobi ku biirtay howlgalka AMISOM, taasoo sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo rayid ah iyo saraakiisha ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabsida cagafyada Muqdisho: Yaa la siiyaa dhulka marka shacabka laga dumiyo guryahooda?

Dowladdu waxay ku doodaysaa in qoysas badan ay degeen dhul dowladeed kaddib…

  • Warbixino

    29-08-2026

  • 01:46AM

Heshiiska $18 bilyan ee Meta: Maxay carruurta, waalidiinta iyo dunidu ka baran karaan?

Heshiiska, oo weli u baahan ansixinta maxkamadda, wuxuu noqon karaa mid…

  • Warbixino

    28-08-2026

  • 02:27PM