Khilaaf ka taagan halka lagu tooganayo Askarta AMISOM ee Golweyn dilka ka geystay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - 12-kii Bishan, Maxkamad ay leedahay AMISOM ayaa xukun dil iyo xabsi dheer ku riday 5 kamid ah askarteeda, kuwaas oo lagu helay in ay ka dambeeyeen dadkii lagu laayay tuulada Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose 10-kii bishii August ee sanadkan.

AMISOM waxay sheegtay in dil toogasho ah lagu xukumay labo sarkaal oo hogaaminayay ciidan dilka geystay iyo saddexda askari oo lagu xukumay 39 ka sano oo xabsiga ah.

Dhamaan askarta la xukumay waxay kasoo jeedaan Uganda, oo ah dalka Ciidanka ugu badan ku leh howlgalka Midowga Afrika oo soo billowday horaantii 2007 xili Al-Shabaab ay ka talinayso qeybo kamid ah caasimada.

Xukunkan dilka ah ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo askar katirsan AMISOM lagu rido gudaha dalka, waxaana ka ka taagan khilaaf ku saabsan halka lagu fulin doono Soomaaliya ama Uganda.

Wasiirka caddaalada C/qaadir Maxamed Nuur, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay xukunka lagu riday askarta AMISOM inuu ka turjumayo dadaalka dowladda Soomaaliya ay ku bixisay sidii ay caddaalad ku heli lahaayeen dhibanayaasha.

Wasiirka wuxuu sheegay in ay dowladda ka go’an tahay in askartaas oo labo kamid ah lagu riday xukun dil ah waajibaadkooda la marsiiyo, islamarkaana lagu tooganayo wadanka.

Maalin kadib hadalka wasiirka, AMISOM ayaa soo saartey Sabtidii qoraal ay ku shaacisay in askarta dalkooda hooyo ee Uganda lagu celindoono si ay halkaas ugu dhameystaan xukunka ay dowladda Soomaaliya ku riday.

Waxaa soconaya isku dayo ay wado dowladda oo ku doonayso in labada askari toogashadooda ka dhacdo Muqdisho, iyadoo ogolaatey in askarta kale ay xukunka xasbiga ku dhameystaan Uganda, maadaama waqtiga lagu xukumay oo 39 sano ah uusan howlgalka AMISOM sii jireyn.

Dowladda Uganda ayaa gaashaanka u daruurtay dalabka dowladda, waxaana ilo xog-ogaal ah, oo Xalane ku sugan sheegayaan in maalmaha soo socda askarta dhamaantooda laga dhoofinayo Garoonka Aadan Cadde.

Arintan waxay dhalisay shaki badan oo laga muujiyay in xukunka la riday uu yahay midka afka baarkiisa ah, oo lagu qancinayo qoysaska dadkii la dilay, kuwaaso cadaasi badan lagala kulmay kadib markii ay banaanbaxyo isdaba-joog ah ay ka dhigeen Muqdisho, iyagoo dalbanayay cadaalad.

Dowladda Uganda ayaa si kiiskan culeyska badan ku hayay xal ugu hesho ka sameysay maxkamada xerada Xalane, oo ah taliska AMISOM halkaasoo lagu maxkamadeeyay askarta intii u dhaxaysay 2-dii illaa 12-kii Bishan, iyadoo ay joogjoog ahaayeen ehelada dadka la dilay.

Ergeyga gaarka ah ee midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa AMISOM Faransico Madeira ayaa dowladaha Soomaaliya iyo Uganda uga mahadceliyay iskaashiga ay ka sameeyeen in kiiskan lasoo gabagabeeyay isla markaana kuwa dambiga lagu helay caddaallada la horkeeno, sida ku xusan war saxaafadeedka kasoo baxay howlgalka Amisom ee Soomaliya.

Dhacdada oo ahayd mid xanuun badan ayaa waxaa lagu dilay toddobo qof oo shacab ahaa, 5 beeralay ah oo beertooda ay Ciidanka Uganda kala soo baxeen iyo labo darawal oo gawaaridii ay wateen kala degay, waxaana la sheegay in dadkan lagu dul fadhiisiyay miino, ka dibna lagu qarxiyay.

Dad rayid ah ayaa qaab aargoosi ah loo dilay kaddib markii ciidamada AMISOM oo sahay raashiin ah watay lagu weeraray inta u dhaxeysa Beled-Aamiin iyo Golweyn, halkaasina looga dilay hal askari, kuwa kalena ay uga dhaawacmeen.

Hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa ku eedeyay AMISOM in aysan si dhab ah wax uga waban kiisas la xiriira anshax-xumada iyo dilalka rayidka, iyadoo marka baaritaannada ay sameyso, askarta dembiga galay si joogta ah loo sii daayaa.

Sannadkii 2016-kii, sagaal askari oo Uganda u dhashay ayaa lagu helay dambi ah inay si sharci-darro ah uga iibinayeen shidaal loogu talagalay howlgalka AMISOM - waana la sii daayay markii ay ku laabteen dalkooda.

Sannadkii 2013-kii, Uganda waxay xirtay 24 sarkaal - oo uu ku jiro taliyaha qaybta Brigadier Michael Ondoga - oo lagu eedeeyay inay iibinayeen raashiin loogu talagalay askarta.
Ondoga ayaa maxkamada ciidamada ay sii deysay sanadkii 2015-kii.

Saraakiil Kenyan ah oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay ka macaashayeen ka ganacsiga sharci darrada ah ee dhuxusha koonfurta Soomaaliya, taasoo Gollaha amaanka ee Qaramada Midoobey mamnuuceen 2012 si Al-Shabaab dhaqaalo uga sameynin.

Human Rights Watch ayaa diiwaangelisay 10 dhacdo oo kala duwan oo kufsi iyo faraxumeyn ah oo ay geysteen askarta AMISOM. Todobo haween iyo gabdho barakacayaal ah ayaa sheegay in la kufsaday iyagoo daawo iyo raashiin u doontay labo xero oo Ciidamada Midowga Afrika ku leeyihiin Muqdisho.

Sidoo kale Human Rights Watch ayaa diiwaan gelisay labo kiis oo kale — kufsi wadareed ka dhacay xerada Maslax, saldhigga ciidamada Uganda ee waqooyiga Muqdisho, iyo kiis kufsi carruur ah oo duleedka magaalada Baydhabo uu u geystay askari Ugandan ah. Dhammaan kiisaska waxay dhaceen 2013 iyo 2014.

Ku-xigeenkii Wakiilka Midowga Afrika Simon Mulongo oo kasoo jeeda Uganda ayaa todobaadkii tagey dowladda Soomaaliya dalka ka cayrisay kadib markii lagu helay falal anshax-xumo ah iyo kuwa ka baxsan xeerarka howlgalkiisa diblomaasi ee uu ku joogay dalka.

Dawladaha ciidanka ugu yaboohay howlgalka AMISOM waxaa ku waajib ah inay xaqiijiyaan in xadgudubyada halista ah ee xuquuqul insaanka ee ka dhaca dalka Soomaaliya si dhex dhexaadnimo ah oo la aamini karo loo baaro si habboonna loo maxkamadeeyo askarta lasoo eedeeyo.

Sida uu dhigayo heshiiska howlgalka ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo AU-da, Soomaaliya waxaysan awoodda u lahayn inay maxkamad soo taagto ciidamada AMISOM ee dambiyada ka geysta dalka. Mas'uuliyadda koowaad waxay saaran tahay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya si ay ula xisaabtamaan xubnaha ciidamadooda eek u kaca fal-dambiyeedka, oo ay ku jirto dacwad ciqaabeed.

AMISOM intii dalka joogtay waxay qabatay wax badan oo lagu amaaney, oo ay kamid tahay inay Al-Shabaab ka saareen goobo badan oo Caasimadda ay kamid tahay, laakiin dhibaatooyinka ay geysanayaan ayaa dhaawac weyn gaarsiiyay sumcaddooda.

Howlgalkan waxaa maalgeliya UN-ka, Midowga Yurub, Mareykanka iyo UK, waxaana ku baxday balaayiin dollar 14kii sano ee lasoo dhaafay, taasoo ah dhaqaale aad u badan oo Ciidamo awood badan loogu dhisi karay dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Quraafaadkii joojiyay qodista ceelka ugu dheer guud ahaan caalamka

Qodista ayaa bilaabatay 24-kii May 1970 iyadda oo la joojiyay 1995 dhaqaale la'aan awgeed.

  • Warbixino

    23-04-2024

  • 05:23AM

Hindiya oo bilaabaysa maxkamadeynta shufta-badeed Soomaali ah

Kooxda ayaa waxay ku eedeysan yihiin in ay afduubatay markabka ganacsi ee MV Ruen oo sitay calanka Malta.

  • Warbixino

    21-03-2024

  • 04:59AM