Maraykanka oo soo riday "waxyaabo duulaya oo aanan la garanayn "

Image
Walxahan oo aanan la xusin nooca ay yihiin ayaa lagu soo ridey amar uu bixiyay madaxweyne Joe Biden.

WASHINGTON, United States - Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa la sheegay in ay soo rideen dhawr walxood oo duulayay hawada dalkaasi, kuwaas oo laga shakiyay waxa ay yihiin iyo ujeedka laga leeyayay.

Walxahan oo aanan la xusin nooca ay yihiin ayaa lagu soo ridey amar uu bixiyay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, sidda laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah.

Talaabadan ayaa waxay imaanaysaa iyada oo todobaadyadan uu taagnaa buuq ku saabsan buufin ‘Shiinaha laga leeyahay’ oo si sharci daro ah ku dulmaray hawada Maraykanka.

Taliska cirka Maraykanka ayaa, sidda ay ku warantey warbaahinta Ameerikaanka, waxa uu wacad ku maray in ay soo ridayaan wax allaale wixii raadaarku sheego oo aanan la ogeyn waxa ay yihiin.

Sidda ku xusan warbixinta saxaafadda, waxaa iska caadi ah in hawada oo dhan la xiro si looga taxadaro halis ka timaada waxyaabo duula oo aanan la aqoonin.

Barasaabka gobolka Minnesota Tim Walz ayaa tibaaxay guutada 148-aad ee ciidamada cirka ee gobolkaasi fadhiga u yahay ay soo rideen wax hawada ku jirey oo aanan la aqoonin.

Ciidamada Maraykanka iyo Canada ayaa ku jira heegan heerkiisa sareeyo, iyaga oo ka wada shaqaynaya waxyaabo loo malaynayo in ay hordhac u yihiin weerar gaadiidka cirka loo adeegsado oo ku wajahan labadan nin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabsida cagafyada Muqdisho: Yaa la siiyaa dhulka marka shacabka laga dumiyo guryahooda?

Dowladdu waxay ku doodaysaa in qoysas badan ay degeen dhul dowladeed kaddib…

  • Warbixino

    29-08-2026

  • 01:46AM

Heshiiska $18 bilyan ee Meta: Maxay carruurta, waalidiinta iyo dunidu ka baran karaan?

Heshiiska, oo weli u baahan ansixinta maxkamadda, wuxuu noqon karaa mid…

  • Warbixino

    28-08-2026

  • 02:27PM