Shanta magaalo ee ugu qaalisan xagga nolosha dunida

Image
Sahankan uu sameeyay Unugga sirdoonka Midowga Yurub ayaa si lamid ah lagu soo bandhigay magaalooyinka ugu jaban.

LONDON, Britain - Tel Aviv ayaa loo magacaabay inay tahay magaalada ugu qaalisan aduunka xagga nolosha, iyadoo sicir bararka cirka isku sii shareeraya iyo dhibaatooyinka la xiriira saadka uu kor u kacayo qiimaha caalamka.

Caasimadda Israel ayaa markii ugu horeysay kaalinta koowaad ka gashay sahan ay sameeyeen Unugga Sirdoonka Dhaqaalaha Midowga Yurub ee magacooda loosoo gaabiyo EIU.

Natiijadan ayaa waxay ka dhigan tahay in Tel Aviv ay kasoo kacday kaalinta shanaad oo ay gashay sannadkii hore waxayna ku riixeen Paris oo ay hadda la wadaagaan Singapore kaalinta labaad.

Dimishiq, oo ku taal dalka ay dagaaladu aafeeyeen ee Suuriya, ayaa waxay ay sii xajisatay booskeeda oo ah tan ugu jaban adduunka xagga nolosha guud ahaan caalamka.

Shanta magaalo ee ugu qaalisan

1: Tel Aviv

2: Paris iyo Singapore oo wada jira

3: Zurich

4: Hong Kong

Shanta magaalo ee ugu jaban

1: Dimishiq

2: Tripoli

3: Tashkent

4: Tunis

5: Almaty

Sahanka oo ay ka qeybqaateen khuburo ku kala sugan magaaloouinkaas wuxuu isbarbar dhigayaa qiimaha doollarka Mareykanka ee badeecadaha iyo adeegyada 173 magaalo.

EIU waxay sheegtay in xogta ay uruurisay bilihii Ogosto iyo Sebtembar ay muujisay in celcelis ahaan qiimuhu kor u kacay 3.5% marka loo eego lacagta gudaha - sicir bararka ugu dhaqsaha badan ee la diiwaan geliyo shantii sano ee la soo dhaafay.

Gaadiidka ayaa lagu arkay qiimaha ugu badan ee kor u kaca, iyadoo qiimaha halkii litir ee shidaalka ah uu kor u kacay 21% celcelis ahaan magaalooyinka baaritaanka laga sameeyay kuwaasoo guud ahaan caalamka ku yaala.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabsida cagafyada Muqdisho: Yaa la siiyaa dhulka marka shacabka laga dumiyo guryahooda?

Dowladdu waxay ku doodaysaa in qoysas badan ay degeen dhul dowladeed kaddib…

  • Warbixino

    29-08-2026

  • 01:46AM

Heshiiska $18 bilyan ee Meta: Maxay carruurta, waalidiinta iyo dunidu ka baran karaan?

Heshiiska, oo weli u baahan ansixinta maxkamadda, wuxuu noqon karaa mid…

  • Warbixino

    28-08-2026

  • 02:27PM