Shaqsiga Sanadka: Axmed Xasan Cawke

Image

December 28, 2015 (GO)- Shabakadda Garowe Online waxay shaqsiga sanadka 2015 u aqoonsatay -AHN- Axmed Xasan Suufi (Cawke) oo ahaa ruug caddaa saxaafadeed oo caan ah, kana mid ahaa wariyeyaasha loogu jecel yahay guud ahaan geyiga Soomaalida.

Anagoo eegayna kaalinta uu Cawke kasoo qaatay horumarinta saxaafadda Soomaalida iyo saameynta uu ku yeeshay guud ahaan geyiga Soomaalida; garowsan sumacadda iyo magaca uu lahaa; sharfeyna dhaxakii uu ka tegey, waxan u garanay Axmed Xasan Cawke in uu noqdo shaqsiga sanadka ee 2015.

Qormadan yar waxan si kooban ugaga sheekayn doonnaa taariikh nololeedka Axmed Cawke laga soo bilaabo yaraantiisii ilaa xilligii uu geeriyoodey.

YARAANTIISII

Cawke wuxuu ku dhashay deegaanka Tog-wajaale sanadkii 1943, aabihiis Xasan-Cawke wuxuu ahaa ganacsade caan ah oo laga yaqaaney guud ahaan gobollada waqooyiga. Yaraantiisii wuxuu kusoo barbaaray isla deegaanka Tog-wajaale, haseyeeshee markii uu dhameeyey Qur'aanka wuxuu usoo wareegey magaalada Cadaadley, halkaasoo uu ku dhameystey dugsiga hoose/dhexe. Dugsiga sare wuxuu kaga baxay  magaalada Camuud. Shaqadiisii qaranka wuxuu ku qaatay magaalada Berbera 1971, halkaasoo uu muddo sanad ah macalin ka ahaa.


SHAQSIYADDIISA

Cawke wuxuu ahaa nin furfuran, dabeecad wanaagsan aad u sheeko badan dadkuna ay sheekadiisa jecel yihiin. Asxaabtiisu waxay Cawke ku sifeeyeen in uu ahaa qof aad u dulqaad badan, aan calool ku qaad lahayn, dadkana aan iska weyneysiin.

Qaar kamid ah asxaabtii ay isla soo shaqeeyeen waxay Cawke ku sifeeyeen:

"Konton sano ayaan aqaaney, weligey Cawke iyo qof kale oo la kala hayo wallaahi ma arag" Wariye Yoonis Cali Nuur.

"Axmed Xanta wuu ka xanaaqi jirey...nin cibaadada ku fiican ayuu ahaa" Wariye Axmed Siciid Cige.

"Cawke waa nin si weyn loo tebi doono, waana adag tahay in la helo cid booskiisa buuxisa" Wariye Siciid Cali Muuse.

"dhaqankiisa waxaa kamid ahaa in uu dadka yar iyo weyn soo dhoweeyo oo aanu iska weyneynin oo ka caajisin" Wariye Aadan Yeberow.

"Axmed wuxuu ahaa nin aan calool-ku-qaad iyo uurxumo aqoon. Haddii aad is qabataan wuxuu ahaan jiray nin durba ka soo noqda carada" Wariye Yuusuf Garaad.

"Cawke wuxuu ahaa nin qalbi fiican oo ay dadka Soomaaliyeed oo dhami u siman yihiin" Faananad Khadiijo Cabdullaahi Laaleys.

"Cawke wuxuu ahaa wariye qaali ah oo xasuus ku reebi doona umadda Soomaaliyaad" Wariye Nakruuma.



SAXAAFADDA

July, 1973 ayuu Cawke kusoo biiray warbaahinta isagoo ka shaqo bilaabay Radio Muqdisho. Muddo kooban kadib ayuu caan noqdey, waxayna asxaabtii ay xilligaas isla shaqeynayeeni sheegeen in uu ahaa nin hibo u leh tebinta oo cod-kar ah islamarkaana aan ka qaloon makarafoonka iyo in uu dad badan la hadlo.

Xiligii uu ka shaqeynayey Radio Muqdisho wuxuu caan ku ahaa tebinta wararka iyo barnaamijyada madadaalada, wuxuuna kamid ahaa wariyeyaasha loogu jecel yahay ee ay dadku dhegeysigooda aadka u xiiseeyaan. Barnaamijyadii uu tebin jirey ee lagu xasuusto waxaa kamid ah: Dunida iyo Maanta, Imaqashii Imadadaali iyo Musicga iyo Salaamaha.

Cawke wuxuu aad usoo caan baxay xiligii uu socdey dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya 1977-1980. Wuxuuna markii ugu dambeysey ahaa wariyaha gaarka ah ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Markii ay dhacday dowladdii militerigu, Cawku wuxuu u qaxay dalka Britain, wuxuuna sanadkii 1996 ka shaqo bilaabay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC. Sanadkii 2008 ayuu ka tegey BBC isagoo ka shaqo bilaabay VOA, muddo sagaal bilood ah kadib wuxuu ka tegey VOA wuxuuna u wareegey Universal TV kadib muddo wuxuu la shaqo bilaabay Horncable TV, wuxuuna markii ugu dambeysey ka tirsanaa Telefishinka Dowladda Somaliland.


GEERIDII CAWKE

November 17, 2015 ayuu ku geeriyoodey magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya. November 18, 2015  ayaa lagu aasay magaalada Tog-wajaale ee dhacda xadka Somaliland  la wadaagto Itoobiya.

Aaskiisa waxaa kasoo qayb galay kumannaa qof, waxaana dadkaas kamid ahaa mas'uuliyiin ay kamid yihiin: Madaxweynaha Dawlad-Deegaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamed Cumar, Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdillahi Zeylici iyo Guddoomiyaha xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye,  Muuse Biixi Cabdi. Cawke wuxuu ifka uga tegey hal xaas iyo shan caruur ah.

Maamulka iyo hawl-wadeenada Garowe Online waxay Ilaah uga baryayaan in uu Axmed Xasan Cawke naxariistiisa janno ka waraabiyo, si gaar ah waxan tacsi ugu direynaa xaaskiisa Sacadiyo Cabdullaahi Salaad iyo carruurtiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Quraafaadkii joojiyay qodista ceelka ugu dheer guud ahaan caalamka

Qodista ayaa bilaabatay 24-kii May 1970 iyadda oo la joojiyay 1995 dhaqaale la'aan awgeed.

  • Warbixino

    23-04-2024

  • 05:23AM

Hindiya oo bilaabaysa maxkamadeynta shufta-badeed Soomaali ah

Kooxda ayaa waxay ku eedeysan yihiin in ay afduubatay markabka ganacsi ee MV Ruen oo sitay calanka Malta.

  • Warbixino

    21-03-2024

  • 04:59AM