Shirkada TIktok oo iclaamisay dagaal ka dhan ah YouTube

Image
Tan ayaa ka dhigan in TikTok ay in ka badan saddex jibaar ay dheeraysay muuqaalada la soo galiyo barteeda

WASHINGTON, USA – Shirkadda TikTok ayaa Isniintii todobaadkan waxay bilaawday in ay macaamiisheeda u ogolaato in ay soo galiyaan fiidiyowyo soconaya ilaa 10 daqiiqo, taasoo kor u qaadaysa tartanka kala dhexeeya dhigeedda YouTube.

TikTok, oo ay leedahay shirkada ByteDance ee Shiinaha, ayaa markii hore ku bilaabay muuqaal soconaya hal-daqiiqo balse waxa ay sannadkii hore ku kordhisay labo daqiiqo taas oo ka dhigneed in la soo galin karo muuqaal 3 daqiiqo ah.

"Maanta waxaan ku faraxsanahay inaan bilowno inaan soo bandhigno awooda lagu soo kordhiyay fiidiyowyada oo ah ilaa 10 daqiiqo," madaxa TikTok ayaa yiri isagoo ka jawaabaya su'aal ay weydiisay AFP.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: "Waxaan rajeyneynaa in tani ay sii kicin doonto tayadda wax-soo-saarka abuurayaashayada guud ahaan adduunka oo dhan".

Tan ayaa ka dhigan in TikTok ay in ka badan saddex jibaar ay dheeraysay muuqaalada la soo galiyo barteeda, waxaana tilaabadeedu ku soo aaday iyada oo YouTube iyo Facebook ay ku dadaalayaan in ay ka hortagaan xafiiltanka shirkadaan oo leh xulashooyin kooban oo nuxur ah iyo dhiirigelinno abuurayaasha daawadayaasha.

"Youtube weli way ka horreeyaan TikTok marka la eego wakhtiga la qaatay, laakiin kama ilaalinayo saamaynta TikTok," Falanqeeyaha sirdoonka Insider Jasmine Enberg ayaa u sheegay AFP.

"Farqiga iyo wakhtiga u dhexeeya labada goobood waa mid ciriiri ah, muuqaalada dhaadheer waxay ka caawin karaan TikTok in ay la qabsadaan daawadayaashu."

Muuqaaladda dhaadheer ayaa sidoo kale awood u siin kara hal-abuurayaasha TikTok inay sameeyaan lacag badan oo ay kor u qaadaan meheradaha xayeysiinta, ayay leeyihiin falanqeeyaha.

YouTube ayaa dhawaan dejiyay yoolalka sanadkan oo ay ku jiraan fududaynta nolosha hal-abuurayaasha iyo kor u qaadida qaab caan ah oo la tartamaya TikTok.

Qalabka fidiyowga lagu wadaago ayaa maalgelinaya qaab gaaban iyo muuqaal toos ah, oo ay weheliyaan qalab lagu caawiyo hal abuurayaasha inay lacag sameeyaan oo ay soo saaraan waxyaabo cusub, sida uu sheegay madaxa wax soo saarka shirka Neal Mohan.

"Si aan u siino fursad kasta oo suurtagal ah, waxaan sii wadi doonnaa inaan maalgelinno qaababkeenna badan." Mohan ayaa ku yiri qoraal uu soo dhigay blog.

Nuxurka qaab-gaaban sida qayb-qaybsanaanta muuqaalada ah ee guulaysata ee TikTok ayaa si cajiib ah caan u ah. Qaadashada YouTube ee fikradda, oo loo yaqaan "Shorts," waxay diiwaan geliyeen in ka badan shan tirilyan oo aragti-waqti ah, sida uu qabo Mohan.

Fiidiyowyo gaagaaban, oo sida caadiga ah lagu sameeyo talefannada casriga ah, waxay noqon karaan ilaa 60 ilbidhiqsi, oo leh muusig iyo majaajillo mawduucyo caan ah.

Shirkada iska leh Facebook iyo Instagram ee Meta waxay leedahay isbeddel u gaar ah oo ku saabsan bixinta loo yaqaan Reels, kaas oo madaxa fulinta Mark Zuckerberg uu sheegay inay tahay mudnaanta shirkadda tignoolajiyada oo si degdeg ah u koraysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Tirada barakacyaasha aduunka oo gaartey 75.9 milyan qof

Xarunta Dabagalka Barakacayaasha Gudaha ayaa warbixin kasoo saartey tirokoobkii ugu dambeeyay.

  • Warbixino

    18-05-2024

  • 03:30AM

Baxreyn oo martigelisay shir lagu taageerayo madax-banaanida Soomaaliya

Wafdiga matalayay dowladda federaalka waxaa hogaaminayay Wasiir Axmed Macallin Fiqi Axmed.

  • Warbixino

    15-05-2024

  • 01:52AM