Soomaaliya iyo Ethiopia oo u baahan feejignaan sida Ukraine

Image
Abaaraha iyo iska-hor-imaadyada hubaysan ayaa aad uga sii daray xaaladda bini Aadanimo ee dadka.

ADDIS ABABA, Ethiopia –  Dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo dhaca geeska qaaradda Afrika ayaa u baahan fiiro gaar ah si la mid ah dalka Ukraine maadaama labaan dal aysan ka jirin xasuulooni buuxda ayna astaan u yihiin rabshadaha hubaysan ee gobolka.

19-kii Maarso, diyaarad xamuul ah oo sidday 30 tan oo cunto gargaar ah oo ay ku deeqday Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa ka degtay magaalada Mekele, ee xarunta gobolka ee Tigray. Waxay ahayd shixnadkii ugu horreeyay ee laga soo dejiyo magaaladaan tan iyo Nevember 2020 shixnadaan ayaa sidoo kale qayb ka ah ilaa 83 milyan oo dollar oo Imaaraadku uu u ballan qaaday gurmadka degdegga ah ee dhibaatada Geeska Afrika.

Dhacdadan ayaa sidoo kale calaamad u ah natiijada xabbad joojinta gobolka si hay'adaha gargaarka ay wax uga qabtaan dhibaatada taas oo aan la ogaan karin baaxadda iyo khasaaraha dhabta ee soo gaaray dadka barakacyaasha ah.

Waxaa laga yaabaa in aanay dad badan u muuqan in Geeska Afrika uu ku jiro xaalad adag. Abaaraha iyo iska-hor-imaadyada hubaysan ayaa aad uga sii daray xaaladda bini Aadanimo ee dadka.

Gobolka Tigreega oo ay go’doomin ku haayeen ciidamada Itoobiya ayaa dhowaan la furay si helo waddooyin la marsiiyo gargaarka bini’aadantinimo. Hay’addaha xuquuqul insaanka ayaa arrimahaasi ku tilmaameen xasuuq.

Itoobiya iyo Soomaaliya waxay la halgamayaan rabshado hubaysan abaaro, gaajo iyo xadgudubyo dhanka dhan ah bini’aadanimada. Dagaalka Afrika waa in aan caadi laga dhigin. Ilaa hadda, Tigray waxay ku jirtay go'doomin, mana ay heli karin gargaar.

Soomaaliya, dadka dhaleeceeya rabshadaha aan joogsiga lahayn iyo xad-gudubyada xuquuqul insaanka waxay noqonayaan dhibanayaal loo geysto dilalka qorsheysan ee labada dhinac.

Xataa marka faragelinta Imaaraadku ay ka jawaabto baahiyaha dhabta ah oo ay tahay in lagu bogaadiyo, waxay muujinaysaa qaab niyad jab leh oo la yaqaan.

Marka laga reebo dhowr faragelin oo millatari oo baddalay mowjadaha Soomaaliya, Mozambique iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, guud ahaan, Afrika waxaa ka maqan adkaysi gudaha ah oo isku xiran si ay uga jawaabaan una xalliyaan colaadaha iyo xaaladaha degdegga ah ee la xiriira.

Sida uu horay u sheegay madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, waa wax laga xishoodo in madaxda Afrika ay si degdeg ah ugu duulaan caasimadaha reer galbeedka si ay ugala hadlaan dhibaatooyinka Afrikaanka ah iyagoo muujinaya rabitaan yar oo wada hadal gudaha ah.

Waxaa kaloo aad uga sii dhib badan, marka laga hadlayo qalalaasaha Tigray-ga, in Midowga Afrika, ee lagu marti-geliyo Addis Ababa, uu yahay mid aan awood lahayn, maadaama qayb ka mid ah Itoobiya gubtay.

Taasi waxay ka hadlaysaa baahida loo qabo Afrikaanku inay noqdaan dilaaliinta koowaad iyo ilaalinta nabaddooda. Soomaaliya, Mozambique iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe waxay beeniyeen fikradda ah in Afrikaanku aysan awood u lahayn in ay faragelin macno leh ku sameeyaan xasaradaha Afrika.

Midowga Afrika waxa uu u baahan yahay in uu is caddeeyo oo uu kor u qaado doorkiisa isaga oo abuuraya habab digniin hore ah iyo habab hore loogu hawlgelinayo khilaafaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya iyo Somaliland oo ku dhow fulinta heshiis-ku-sheega muranka dhaliyey

Heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxaa mucaaradad kala kulmay dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Warbixino

    03-05-2024

  • 03:54AM

Balan-qaadka laba geesoodka ah ee Tanzania u sameysay Soomaaliya

Hogaamiyeyaasha labadan dal ayaa dhowaan waxa ay ku kulmaan magaalo madaxda Dar es Salaam.

  • Warbixino

    30-04-2024

  • 04:38AM