Warbixin kooban: Safarkii Puntland!

Image

W/D Ahmed-nur Mohamed

Shalay galab 20 July,2015 ayaan ka soo noqonay safar sagaal beri qaatay oo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar cabdirashiid Cali Sharmaarke ku tageen Puntland. Safarkaasi ayaa looga gollahaa sidii loo adkayn lahaa xiriirka Dawladda federaalka Soomaaliya iyo Puntland iyo sidii isfaham loogu heli lahaa cabashada Puntland ee ku aaddan maamulka Galmudug ee dhowaan lagu dhisay magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud. Waxaa laga war hayaa in Galmudug ay ka kooban tahay Mudug iyo Galguduud, laakiin gobolka Mudug qaybtiisa waqooyi ay muddo 17 sano ah ka tirsanayd Puntland. Dhismaha Galmudug, waxa uuu xiisad siyaasadeed ka dhex dhaliyey Puntland oo dhinac ah iyo Maamulka Galmudug iyo Dawladda Federaalka ee samayntiisa qaybta  ka ahayd. 

Waxaan filayaa in si weyn looga dheregsan yahay dooda Mudug iyo qaababka loo fasirayo xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay, laakiin waxaan anigu ka sheekaynayaa wixii aan ku soo arkay Puntland. Marka la eego Puntland, waa maamul muddo jiray oo hoosta laga soo dhisay, waxana ii muuqatay kalsooni ay ku qabaan dadka dhistay, walaw ay jiraan tabashooyin ay qabaan dadka qaar. 

Markii aan ka tagnay Muqdisho, safarkayagu waxa uu ka bilaabmay magaalada Cadaado ee Galmudug, waxana aan u gudubnay dhinaca Garoowe oo aan ku beeganay xilli galabnimo ah oo la isu diyaarinay afur. Si weyn ayaa na loo soo dhoweeyey, waxana jiray kulamo siyaasadeed oo aanan anigu halkan uga hadlayn wixii ka soo baxay iyo sidii ay u dhacayeen. 

Puntland markii aan joogay, waxaan u kuurgalayey arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada iyo horumarka dhinacyadaasi laga sameeyey. Dhinaca siyaasadda haddii aan ku hor maro, waxaa jiray khilaaf u dexeeyey madaxweynaha maamulka Puntand iyo sarkaal ciidamo kala goostay. Sarkaalkan oo reer Garoowe ah, waxaa xalinta khilaafka isaga iyo Madaxweyne Cabdiweli Gaas ka qaybqaatay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxdii kale ee Puntland joogtay, waxana ii muuqatay in safarkan uu furdaamin u ahaa culayskaa haystay Madaxweynaha Puntland, iyadoo ay xusid mudan tahay in intii aan joogay Garoowe aan dareemayey in dadka reer Garoowe oo u badan taageerayaashii faroole, ay aqlabiyadoodu diidan yihiin siyaasadda iyo maamulka Madaxweynaha talada haya, walow ay jireen tiro aan yareyn oo taageersan sida ay wax u socdaan,

Dhinaca dhaqaalaha, waxaa jira horumar laga sameeyey dhismayaasha iyo hantida sida gaarka ah loo leeyahay, laakiin dhaqaaluhu ma xooggana ama ma kobcayo, waxana uu la mid yahay kan guud ee Soomaaliya oo ay isku duruuf yihiin. Dadka waxaa ka go’an inay noloshooda maareeyaan oo aysan waqti ku lumin Dawlad Soomaaliyeed iyo mid reer Puntland ah.
Dhinaca bulshada marka la eego, Puntland waa meel dhaqan oo la ilaaliyo dhaqanka Soomaaliyeed. Dadku waxay tixgeliyaan waxyaalo badan oo dhaqanka ku xiran, waxaadna maqlaysaa hebel waa gob iyo kuwaasi waa gun. Bulshada waxaan ka dareemay in aysan jeclayn Siyaasadda waqtigan ee Dawladda Federaalka iyagoo ku eedaynaya arrimo badan. Magaalada Qardho ayaan tagnay oo uu degan yahay Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid isimada Soomaaliyeed, waxana uu noo sameeyey soo dhoweyn wanaagsan. Qardho waa magaalo kooban oo horumar sameysay muddooyinkii danbe. Qardho waa magaalo laga helo sawirka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waana la yaabay arrintan, maadaama sawirka Madaxweynaha Jamhuuriyadda aanan ku arag Garoowe  iyo Gaalkacayo, in kastoo ay sabab u tahay arrimaha taagan la yaabna lahayn.

Magaalada Garoowe intii aan joogay, waxaan farxad weyn ii ahayd inaan la soo kulmay wiil aad u yar oo dhawr iyo toban jir ah oo dhowaan lagu caanashubay inuu noqdo Suldaanka mid ka mid ah beelaha deggan Nugaal iyo Mudug. Suldaan Maxamed Suldaan Hurre waa suldaanka ugu da’da yar guud ahaan geyiga Soomaaliyeed, waxana uu saldanada ka dhaxlay aabbihiis oo la dilay. Guul weyn ayey ahayd markii Suldaan Maxamed Suldaan Hurre oo dhalinyaro ah uu kusoo biray dhaqanka Soomaaliyeed . Laakiin nasiib wanaag, Suldaan Maxamed waxa uu hiil ka helay bulshada reer Nugaaleed oo garab istaagay.

Waxa ugu weyn ee xiisaha leh ee Puntland ku arkay waa nabadda ay samaysteen, waana wax lagu farxo in aad gaari ku marto dhul aad u ballaaran sida wadada Garoowe ilaa Qardho iyo Garoowe ilaa Gaalkacyo. Waxaan dareemayey xorriyad iyo nafis, maadaama dadkayaga Muqdisho ka yimi ay ku adag tahay inay dhawr kilo mitir dhaafaan.

Markii ay kulamadii siyaasadeed noosoo dhamaadeen, waxaan safarkaygii ku soo gabagabaynay magaalada Gaalkacayo oo aan ku nimi safar dhulka ah. Magaalada habeenkii aan joognay, waxaan ku hoyanay dhinaca Puntland oo aan dadka ka dareemayey xasaasiyadda ay ka qabaan Maamulka laga garab dhisay ee Galmudug iyo kaalinta Dawladda Federaalka.

Isku soo wada duuboo, Puntland waxay horumar ka samaysay dhinacyo badan oo siyaasadda, dhismaha hay’adaha maamulka, nabadda iyo dabcan dhaqaalaha, laakiin waxaa weli hor yaalla caqabado badan iyo jid dheer oo la rabo inay ka gudban. Safarkaygii Puntland oo xiiso ii lahaa, waxaan ku soo bartay dhul iyo dad Soomaaliyeed oo dadaalay. Illaah ha guuleeyo reer Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Ahmed-nur Mohamed
E-mail: axmednuur59@gmail.com

Aragtida qoraalkaan waxay gaar u tahay qoraaga ku saxiixan kama tarjumeyso fikirka warsidaha Garowe Online

Related Articles

Quraafaadkii joojiyay qodista ceelka ugu dheer guud ahaan caalamka

Qodista ayaa bilaabatay 24-kii May 1970 iyadda oo la joojiyay 1995 dhaqaale la'aan awgeed.

  • Warbixino

    23-04-2024

  • 05:23AM

Hindiya oo bilaabaysa maxkamadeynta shufta-badeed Soomaali ah

Kooxda ayaa waxay ku eedeysan yihiin in ay afduubatay markabka ganacsi ee MV Ruen oo sitay calanka Malta.

  • Warbixino

    21-03-2024

  • 04:59AM