WhatsApp oo dib-qortay siyaasadeeda xogta dadka isticmaala

Image
Talaabadan oo ka dhalatay ganaax lagu soo rogay shirkadda ayaa la sheegay in ay sidda ugu dhaqsiyaha badan ku dhaqan-galayso.

WASHINGTON, USA - WhatsApp ayaa dib u qoraysa siyaasaddeeda gaarka ah taas oo ka dhalatay ganaax weyn oo loogu soo rogay ilaalinta xogta gaarka ah ee shaqsiyaadka horaantii sanadkan.

Baaritaan ka dib, kooxda ilaalinta xogta eee Irish waxay soo saartay €225m (£190m) ganaax ah - oo ah kii labaad ee ugu weyn taariikhda GDPR - waxayna ku amartay WhatsApp inay beddesho siyaasaddeeda.

WhatsApp ayaa racfaan ka qaadanaysa ganaaxa, laakiin waxa ay wax ka beddelaysaa dukumentiyada siyaasadeed ee Yurub iyo UK si ay u hoggaansamaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxay ku adkaysanaysaa in wax ku saabsan adeeggeeda dhabta ah aanu isbeddelin.

"Ma jiraan wax isbedel ah oo ku yimid habraacyadayada ama heshiisyada qandaraaska ee aan la galnay isticmaalayaasha, isticmaalayaashuna loogama baahna inay ogolaadaan wax ama inay qaadaan tallaabo kasta si ay u sii wadaan isticmaalka WhatsApp," ayay tiri shirkadda oo ku dhawaaqday isbeddelka.

Siyaasada cusub ayaa isla markiiba dhaqan galisa. Siyaasadda cusub ee khaaska ah waxay ka kooban tahay macluumaad badan oo ku saabsan waxa saxda ah ee lagu sameeyo macluumaadka isticmaalayaasha, iyo sida WhatsApp ula shaqeyso Meta, shirkadda ay hoostagaan WhatsApp, Facebook iyo Instagram.

Ganaaxa WhatsApp lagu riday bishii Sebtembar ayaa ka dhashay baaritaan sanado badan socday oo lagu doonayay in shirkadda weyn ee baraha bulshada ay tahay mid hufan oo ku filan sida ay u maamusho macluumaadka isticmaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cabsida cagafyada Muqdisho: Yaa la siiyaa dhulka marka shacabka laga dumiyo guryahooda?

Dowladdu waxay ku doodaysaa in qoysas badan ay degeen dhul dowladeed kaddib…

  • Warbixino

    29-08-2026

  • 01:46AM

Heshiiska $18 bilyan ee Meta: Maxay carruurta, waalidiinta iyo dunidu ka baran karaan?

Heshiiska, oo weli u baahan ansixinta maxkamadda, wuxuu noqon karaa mid…

  • Warbixino

    28-08-2026

  • 02:27PM