Xiriirka Federaalka iyo Puntland, Dhismihii Galmudug, iyo Hannaanka doorashada 2016

Image

Tan iyo intii ay talada qabatay xukuumadda Madaxweyne Abdiweli Ali Gaas waxaa jirtay is weydiin ku saabsan nooca iyo habka uu u shaqeeyo xiriirka u dhexeeya dowladda Puntland iyo federalka. Waxaan marna heer fiican gaarin xiriirkii u dhexeeyey xukuumaddii Madaxweyne Farole iyo xukuumadihii isaga danbeeyey federalka.

Ka dib doorashadii Puntland 08/01/2014, waxaa si qabow ku bilowday xiriir cusub oo dhex mara Puntland iyo Federalka. Xiriirkaasu wuxuu meeshii ugu xumayd gaaray kolkii dowladda federalku bilowday yagleelidda maamulka gobolada dhexe. Dadka Mudug dagen qeyb ka mida waxay ka mid yihiin Puntland oo maamul la dhisteen 1998 dii. Waxaana xusid mudan in Madaxweynaha Puntland ee haatan talada hayaa uu ka soo jeedo gobolka Mudug. 

Waxaan qoraalkaan ku eegi doonaa aniga oo dhacdooyinka uun iftiiminaya heerarkii uu soo maray xiriirka Puntland iyo federalka laga soo bilaabo hindisidii dhismaha maamulka Galmudug iyo saamaynta uu ku yeeshay dagaalkii Galkacyo.

Dhismihii Galmudug

30/07/2014 Waxaa magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiis dhigayey in maamul midaysan loo sameeyo gobolada Mudug iyo Galguduud. Yagleelidda maamulkaas wax talo ah lagama siin dadka iyo xukuumadda Puntland midkoodna.

01/08/2014 Puntland iyada oo ka ashtakoonaysa ku daridda gobolka Mudug oo dhan, waxay xiriirka u jartay xukuumadda Xamar. Shir deg-deg ah oo ay wada yeesheen Golaha wasiirada Puntland ayaa laga soo saaray in Puntland qaadacday heshiiska maamulka loogu samaynayo gobolada Galgaduud iyo Mudug. Madaxweyne Gaas ayaa 15 Cisho u qabtay Masuuliyiinta Puntland u dhashay ee ku jira Xukumadda dhexe ee Somalia, xubnaha baarlamaanka iyo xubintii ugu jirtay guddiga dastuurka inay iska soo xaadiriyaan Garowe.

Go’aanka Puntland soo saartay wuxuu ka koobna, iyadoo Puntland tixraacaysa qodobada dastuuriga ah ee la jabiyey 7 qodob, waxaana ka mid ahaa:

1-    In Puntland kasoo hor-jeedsatay heshiiskii maamulka loogu sameynayey goblolada dhexe, kaasoo khilaafsan dastuurka Soomaaliya.
2-  In ay aad uga xun tahay ka qayb-galka shirka ee xubnihii ka socday beesha calaamka.
3- In ay nasiib-darro tahay in madaxdii sare ee dowladda federaalka ah ay horseed ka noqdaan heshiis ka hor-imanaya dastuurka, iskana hor-keenaya bulshada Soomaaliyeed iyo qodobo kale oo muhiim ah.

20/08/2014 Dowladda Puntland markii ay wada tashi qoto dheer la yeelatay xubnihii ay uga yeeratay Xamar waxay soo saartay war murtiyeed ay ku xaqiijinayso inay xiriirkii dowladda federalka kala dhexeeyey goysay (1)

10/10/2014 Waxaa magaalada Garowe soo gaaray RW hore mudane Abdiweli Sh Ahmed oo markaas khilaaf kala dhexeeyey madaxweynaha Somalia si uu wada hadal ula furo xukuumadda Puntland. (2)

14/10/2014 Xukuumaddii RW Abdiweli Sh Amed iyo Puntland waxay kala saxiixdeen heshiis ka kooban 14 qodob ayna ka mid tahay in cidda maamulka gobolada dhexe loo dhisaya ay tahay Galguduud iyo koonfurta Mudug oo kaliya, lagana wada hadlo arrimaha kale ee la isku hayo sida dhamistirka dastuurka, dhismaha ciidan qaran, heshiiyadii horay loo galay iyo qeybsiga deeqaha caalamiga ah, waxaana lagu dhawaaqay in khilaafkii la soo afjaray.

16/04/2015 Madaxweyne Hasan Shiek Mohamud ayaa si rasmi ah uga furay degmada Cadaado shirkii maamul u samaynta Mudug iyo Galguduud wuxuuna ergooyinkii shirka ka qeyb galayey u sheegay inay soo dhistaan maamul ay u wada dhanyihiin. (3) 14/06/2015 waxaa la ansixiyey xuduudda maamulka Galmudug oo lagu sheegay in dhankeeda waqooyi yahay degmada Burtinle ee gobolka Nugaal.

14/06/2015 Mudaharaadyo waaweyn ayaa ka dhacay dhammaan gobolada iyo degmooyinka Puntland kuwaas oo looga soo horjeedo madaxda sare ee dowladda federalka iyo ergayga gaarka ah ee qarmada midoobay u qaabilsan Somalia, waxaana mar kale circa isku sii shareeray xiriirkii laba dhan ee Puntland iyo federalka.

04/07/2015 Waxaa si rasmiya loo doortay mudane Abdikarim Huseen Guleed inuu noqdo Madaxweynaha Galmudug. (4)

12/07/2015 Baarlamaanka Puntland oo dood dheer ka yeeshay khilaafka u dhexeeya dowladda Somalia iyo maamulka Puntland, ayaa soo saaray go’aammo ka kooban shan qodob, waaxana ka mid ahaa: In dastuurka lixda saxiix leh iyo Xoghayaha guud ee QM oo makhraati ka ahaa uu yahay dastuurka rasmiga ah, in xeerarka baarlamaanka federaalku ansixiyay ee aan laga tashan Puntland aysan sharci ahayn iyo inaysan sharci ahayn saddexda guddi ee kala ah:

A.     Gudiga dib u eegista Dastuurka Dowladda Federaalka Somalia
B.       Gudiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka.
C.      Gudiga Xuduudaha iyo Arimaha Federaalka iyo qodobo kale oo muhiim ah. (5)

Hanaanka doorashada 2016 

Hanaanka doorashada 2016 ku wuxuu bilowday iyadoo sida kor ku xusan aanu wanaagsanayn xiriirka labad dhinac. Puntland waxay horaantiiba qaadacday in ay ka qeyb gasho shirkii ka dhacay Xamar 29-30 Luulyo.

29-30/07/2015 Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay shirkii madaxda sare ee Somalia kaas oo looga hadlayey hanaanka doorasho ee sanadka 2016 ka iyado aanay Puntland ka qeybgelin. (6)

29/07/2015 Isla maalintaas Puntland waxay soo saartay qoraal ay ku qaadacayso shirka Xamar iyo in aanay qusayn wixii ka soo baxa. (7)

31/07/2015 Dowlada Puntland waxay soo saartay qoraal ay ku diidan tahay wixii ka soo baxay shirkii madaxda sare ee ku soo dhammaaday Muqdisho, iyadoo ku sababaysay dastuurkii oo lagu xadgudbay. (8)

04/08/2015 War saxaafadeed ay soo saartay Puntland, waxay soo dhaweysay wixii ka soo baxay shirkii madasha wada tashiga ee  ka dhacay Muqdisho 29-30 bishii luulyo. (9)

21/09/2015 Dowladda Puntland waxay shuruud la’an uga qeyb gashay shirkii Xamar ka furmay, iyadoo ay halkaas gaareen wafti balaaran oo isugu jira, xukuumadda, Baarlamaanka iyo xubno ka socday bulshada rayidka. (10)

21/09/2015 Waxay dowladdu soo saartay war saxaafadeed lagu yiri “Dawladda Puntland iyadoo ilaalinaysa mas’uuliyadda ka saaran dadkeeda iyo ummadda Soomaaliyeed waxay go’aansatay in ay ka qeyb-qaadato geedi socodka doorashooyinka 2016-ka” (11)

Shirkii talagelinta 

Ka dib shirar dhawr mar Moqdisho ka dhacay oo looga hadlay hanaanka doorashada soo socota iyo sida ugu haboon ee lagu geli karo, waxaa maamul goboleedyada loo qeybiyey ergo 150 dowlad walba.

16-17/11/2015 Shirkii wada tashiga hanaanka doorashada 2016 ayaa lagu qabtay lix magaalo oo Puntland ah iyadoo magaalo walba ay ka soo qeyb galeen ergo gaaraysa 100 qof isku darkana ka dhigaysa 600 oo ergay, ka dib markii dowladdu ku gacan sayrtay qoondadii la siiyey oo hayd 150 qof. Ergadii  waxay is aqlabiyad leh u cadeeyeen in ay ka soo horjeedaan nidaamka 4.5 ayna doonayaan nidaamka degmooyinka (12)

18/11/2015 Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda federalka mudane Abdirahman odowa oo waraysi siiyey TVga Somali channel ayaa sheegay in 600 ee Puntland ay ka dhigan yihiin, waxna aanay ka badalayn qoondadii la siiyey dowlad goboleeyada kale oo ahayd 150. (13)

Dagaalkii Galkacyo

Waxaa magaalada Galkacyo ka dhacay dagaalo aad u xun. Dagaaladaas oo isku dar ay ku dhinteen kontameeyo qof tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen, waxay ka bilowdeen wado 120 mr ah. Dagaaladaas waxaa ku barakacay sida QM sheegtay in ka badan 42 kun oo qoys halka dadka intiisa badan aaminsan yihiin in tiradu intaas aad uga badan tahay, waxaa ku burburay hanti badan, waxaa xirmay iskuuladii iyo goobihii gancsiga ilaa iyo iminka waxaa jira dad aan guryohoodii ku soo laaban oo banaanada daadsan.

 Dad badani waxay qabaan in muranka wadadaas hab silmiya lagu xallin karay dagaalla laga baaqsan karay. Sidoo kale in badan waxay aaminsan tahay in dagaalkaasu ahaa mid siyaasadeed oo aad uga duwana dagaalo marar hore magaalada ka dhacay.

Waxaad mooda in Puntland aanay gaarin ujeedkii dagaalkaas la sheegay in loo galay oo ahayd in wadadaas wax laga qabto, halka la aamin san yahay Galmudug in ay dagaalkaas u gashay in ay Puntland ka hesho ixtiraam iyo aqoonsi la mid ah kan ay ka heshay maamulada kale ee Somalia ka jira. In badani waxay qabtaa in Galmudug gaartay ujeedkeedii.

Ugu danbayn labada maamul waxay kala saxiixdeen heshiis, waxayna ugu danbayntii iyaga oo gacmaha is haysta isku raaceen shirka hiigsiga hanaanka 2016 ka. Waxa wax u dheceen sidan:

22/11/2015 Waxaa magaalada Galkacyo ka qarxay dagaalkii 1aad dagaalo is xig xigay oo magaalada ka dhacay. (14)

22/11/2015 Puntland waxay soo saartay war saxaafadeed dagaalka ku saabsan. (15)

24/11/2015 Odayaasha iyo ganacsatada labada dhan waxay isla gaareen heshiis qabyo ah oo dhigaya in xabad joojin rasmiya lagu dhawaaqo, in ciidamada la kala durkiyo iyo in wada hadal la isaga yimaado waxyaabaha la isku hayo.

24/11/2015 Labada dhanba waxay bilaabeen in ciidamo xoog leh magaalada ku soo daabulaan, taas oo sababtay in ay qaxaan badi dadkii ku noolaa magaalada.

28/11/2015 Waxaa mar kale qarxay dagaal xoog leh iyadoo la sugayo inuu magaalada soo gaaro RW CCC kaas oo shirar madaxda maamulada kula soo qaatay Cadaado iyo Garowe. 

29/11/2015 Puntland waxay Federalka ku eedaysay dagaalka Galkacyo, iyadoo nasiib darro ku tilmaantay in wixii qaranka ka dhexeeyey ciidan iyo qalabba si masuuliyad darro ah loo adeegsaday loogana fa’iidaystay hurin colaadeed iyo wax yeelaynta Puntland. (16)

29/11/2015 PM CCC, Madaxda Jubbaland, ISWA, iyo wafti ballaran oo ay hogaaminayaan ayaa ka kala dagay Galkacyo iyo Garowe si ay nabad ugu soo dabaalaan xaaladda Galkacyo. Isla maalinkaas waxaa Galkacyo soo gaaray madaxweynaha Galmudug Abdikarin Hussien Guled. 

01/12/2015 Madaxda federalka oo uu Ra’asal wasaaruhu hogaaminayo, madaxda Punltnad, Jubbaland, ISWA iyo xubno ka socda beesha caalamka ayaa kulan uga furmay garoonka diyaradaha Galkacyo. 

02/12/2015 Waxa mar kale shir ka dhacay garoonka waxaana shirkaas ka soo baxay heshiis ay dhinacyadu saxiixeen oo dhigaya: In xabadda la joojiyo, cidamada la kala qaado, barakacayaasha la soo celiyo iyo in la galo wada hadal aan wax shuruud ah ku xirnayn. (17)

03/12/2015 Waxaa mar kale magaalada ka qarxay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan dhaliyeyna dhimasho dhaawac iyo barakac hor leh, sidoo kalana ay hanti badan ku burburtay. (18)

04/12/2015 Mar kale waxaa lagu kulmay garoonka diyaadaha waxayna madaxdii ka soo qeyb gashay isla xaqiijiyeen hirgelinta heshiiskii ka koobna afarta qodob ee dhinacyadu saxiixdeen.

05/12/2105 Madaxda labada dhan iyo dowladda federalka oo fududaynaysay waxay isaga gudbeen magaalada labadeeda dhan waxayna si kal iyo laab ah iskula qireen inaan mar danbe loo ogolaan in magaalada dagaal ka dhaco. (19) 

07/12/2015 Wafti ballaran oo ka kooban maamul goboleedyada iyo dowladda federalka oo uu hogaaminayo RW CCC ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha Galkacyo iyagoo ku sii jeeda magaalada Xamar si ay halkaas uga qeyb galaan shirka madasha wada tashiga hanaanka doorashada 2016-ka. (20)

07/12/2015 War saxaafaddu qortay waxaa lagu sheegay in Madaxweyne ku xigeenka Puntland yiri “Dowlada Puntland marna ma aqbali doonto nidaamka 4.5 hadii lagu saleeyo doorashada soo socotana in Puntland ay dadkeeda talada ku soo celin doonto”, wuxuuna nidaamkaan ku tilmaamay mid xaaraan ah oo horseeday inuu dalku dib u laabto. (21) 

Gunaanad

Anigoo ka xun dheerarka qormadaan oo runtii ay ii suurageli wayday in aan intaas ka soo yareeyo, waxaan ku soo dabraya su’aalo aan jeclaan lahaa in akhristuhu is weydiiyo ama jawaab u helo. Maxaad ku sifayn lahayd xiriirka federalka iyo Puntland? Dhismihii Galmudug iyo dgaalka Galkacyo?  Muxuu ku salaysna dagaalkii Galkacyo? Maxaa loo galay mase la baajin karay? Madaxeyne Hasan saamaynt intee le’eg buu ku lahaa dagaalkii Glk? goorma ayuu ka hadlay muxuuse ka yiri? Sidee Pl u maamushay dagaalkii Glk, ma isleedahay si ka haboon ayaa jirtay? Xukuumadda Pl side u xaliisay go’aankii baarlamaanka? Shirkii wada tashiga Puntland qabatay ee hanaanka doorashada 2016 ka Puntland ma ku adkaysan doonta aragtida shacabkeeda hadii 4.5 la keeno?

FG: Qormadani waxay gaar ku tahay fikirka qoraaga, kama turjumeyso aragtida Garowe Online.

Related Articles

Hindiya oo bilaabaysa maxkamadeynta shufta-badeed Soomaali ah

Kooxda ayaa waxay ku eedeysan yihiin in ay afduubatay markabka ganacsi ee MV Ruen oo sitay calanka Malta.

  • Warbixino

    21-03-2024

  • 04:59AM

Bogagii ay Dowladda Soomaaliya ka xirtey AS oo hawada kusoo laabtey

Barahan ayaa waxa ay isugu jiraan websites iyo akoono dhanka baraha bulshadda ah.

  • Warbixino

    16-03-2024

  • 07:11AM