16 qof oo ku dhimatay dab ka kacay Bangladesh

Image
Dabdamiska ayaa wali ku hawlanaa daminta dabka subaxnimadii Axada, sida ay booliisku sheegeen.

DHAKA, Bangladesh – Dab xooggan ayaa ka kacay goob lagu keydiyo Kunteenarrada oo ku taalla koonfur-bari Bangladesh, waxaana ku dhintay ugu yaraan 16 qof in ka badan 170 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha.

Dabka ayaa ka kacay goob Konteenar ah habeenkii Sabtida oo ku taal Sitakunda, oo 40 kilomitir (25 miles) u jirta magaalada dekedda ah ee Chittagong, waxaana ka dhashay qaraxyo badan, sida ay saraakiishu sheegeen.

“Lix iyo toban qof ayaa ku dhintay dabka. Tirada dhimashada ayaa la filayaa in ay sare u kacdo iyadoo qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ay ku jiraan xaalad halis ah,” ayuu madaxa dhaqtarka Chittagong, Elias Chowdhury, u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira dab-damiska oo ku sugnaa goobta uu dabka ka kacay oo doonayay inay damiyaan.

Waxay ku dhaawacmeen qaraxyadii labaad.

“Qaar ka mid ah 170 qof ayaa ku dhaawacmay oo ay ku jiraan ugu yaraan 40 dab-damis ah iyo 10 boolis ah. Saddex dab-damis ayaa sidoo kale la dilay,” ayuu yiri Abul Kalam Aza, oo ah taliyaha booliiska deegaanka.

Dabdamiska ayaa wali ku hawlanaa daminta dabka subaxnimadii Axada, sida ay booliisku sheegeen.

Qaraxyada ayaa gilgilay xaafadda, waxaana ay burburiyeen muraayadihii guryaha ee goobta ka ag dhawaa, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dhakhaatiirta qalliinka madaniga ah ee Chittagong Mohammed Elias Hossain ayaa ku booriyay dhammaan dhakhaatiirta degmada inay gacan ka geystaan wax ka qabashada xaaladda wuxuuna ku baaqay deeqo dhiig oo degdeg ah.

Ilaa hadda ma cadda waxa sababay dabkan.

Saraakiisha adeegga dab-demiska ayaa sheegay in ay tuhunsan yihiin in laga yaabo in ay ka timid Kunteenarada oo uu ku jireen hydrogen peroxide uu qarxay isla markaana uu si degdeg ah ugu fiday Kunteenarada kale.

Ku dhawaad 5,000 oo konteenar ayaa ku jira Kaydka Kontaynarrada ee BM Inland, kaasoo lagu qaado badeecadaha loo dhoofiyo iyo kuwa la soo dejiyo, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM