2 wiil oo Soomaali ah oo la toogtay iyaga oo Xaflad Aroos ka qeyb galaya

Image

OTTAWA, Canada - Labo wiil oo Soomaali ah ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday Infinity Convention center ee magaalada Ottawa ee caasimada wadanka Canada.

Said Mohamed Ali oo 26 jir ahaa iyo Abdishakuur Abdi Daahir oo 29 jir ahaa ayaa lagu dilay toogashada oo ilaa hadda Boolisku aysan faah-faahin ka bixin sida ay u dhacday.

Taliye xigeenka Booliska Ottawa, Amy Bond ayaa warbaahinta u sheegay " waa toogasho bahalnimo ah oo xanuun badan taasi oo dhibaato ku ah Bulshadeena oo dhan".

Dhibaatada Soomaalida Canada ayaa u muuqata mid xargaha goosatay iyada oo ururo ay samaysteen Hooyooyinka dalkaasi ay u muuqdaan dadaalo aan wali wax badan ka badalin xaalka dhalinyarada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM