30 qof oo daqiiqado gudahood ku naf waayey duqeymaha Israa’iil

Image

QASA - Wakaaladda wararka ee Falastiin ayaa sheegtay in ku dhawaad ​​30 Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymo ay maanta diyaaradaha Israa’iil ka fuliyeen goobo kala duwan oo ku yaalla marinka Qasa.

Wakaalladda oo soo xiganeysa ilo maxalli ah ayaa sheegtay in duqeynta lala beegsaday dhowr deegaan oo ku yaalla magaalada Rafax ee Koonfurta Marinka Qasa, waxaana ku dhintay ugu yaraan 7 qof, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, halka ugu yaraan 14-qof oo kale lagu dilay duqeyn lala beegsaday. magaalada Jabalia ee waqooyiga Marinka Qasa.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in laba qof ay ku dhinteen duqeyn lala beegsaday guri saddex dabaq ah oo ku yaalla xaafadda “Al-Salam” ee magaalada Rafax.

Shan qof oo ay ku jiraan 3 carruur ah ayaa sidoo kale dhintay, qaar kalena waa ay dhaawacmeen, ka dib duqeyn lala beegsaday guri labo dabaq ah oo ku yaalla galbeedka magaalada Rafax.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM