30 qof oo daqiiqado gudahood ku naf waayey duqeymaha Israa’iil

Image

QASA - Wakaaladda wararka ee Falastiin ayaa sheegtay in ku dhawaad ​​30 Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymo ay maanta diyaaradaha Israa’iil ka fuliyeen goobo kala duwan oo ku yaalla marinka Qasa.

Wakaalladda oo soo xiganeysa ilo maxalli ah ayaa sheegtay in duqeynta lala beegsaday dhowr deegaan oo ku yaalla magaalada Rafax ee Koonfurta Marinka Qasa, waxaana ku dhintay ugu yaraan 7 qof, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, halka ugu yaraan 14-qof oo kale lagu dilay duqeyn lala beegsaday. magaalada Jabalia ee waqooyiga Marinka Qasa.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in laba qof ay ku dhinteen duqeyn lala beegsaday guri saddex dabaq ah oo ku yaalla xaafadda “Al-Salam” ee magaalada Rafax.

Shan qof oo ay ku jiraan 3 carruur ah ayaa sidoo kale dhintay, qaar kalena waa ay dhaawacmeen, ka dib duqeyn lala beegsaday guri labo dabaq ah oo ku yaalla galbeedka magaalada Rafax.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM

Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

  • Caalamka

    08-12-2025

  • 08:03AM