6000 Tahriibayaal ah oo Talyaaniga gaaray

Image

ROMA, Talyaaniga - Jasiirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga ayaa waxaa gaaray Tahriibayaal ka badan 6000 qof.

Tahriibayaashan oo gaaray Jasiirada in ka yar 24 saac gudahood ayaa loo diiwaan geliyay kuwii ugu badnaa ee sanadkaan gudihiisa isku mar yimaada.

Jasiiradan ayaa waxaa ku yaala xarun loogu talo galay in ay qaado 450 qaxooti ah markiiba balse tiradaan ayaa culeys xoogan ku keentay.

Dalka Tunisia ayaa la rumeysan yahay in ay kasoo kictimeen Qaxootigan iyaga oo intooda badan in ay kasii talaabaan Talyaaniga.

Sanadkaan oo kaliya waxaa Talyaaniga gaaray in ka badan 120 kun oo qof oo Tahriibayaal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM