80 Askari oo ku dhimatay Duqeyn

Image

XIMS - Magaalada Xims ee wadanka Suuriya 81 Askari ayaa geeriyooday in ka badanna 240 way ku dhaawacmeen duqeyn ka dhacday kuliyadda ciidamada ee magaaladaasi.

Askarta qalin-jabinayay ee la laayay ayaa ahaa kuwa taabacsan hogaamiyaha kaligii taliyaha ah ee dalka Suuriya, Bishaar Al-Assad iyada oo weerarka loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Xukuumadda Suuriya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku tiri" waxaa weerarka gaystay kooxaha Argagixisada ah ee la yaqaan dowladaha taageera".

Marka laga yimaado hadalka Dimashiq ma jiro koox sheegatay mas'uuliyadda weerarka.

Kooxaha mucaaradka ee kasoo horjdeeda Al-Assad ayaa iyagu adeegsada Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM