Aabaha dhalay wariye ka tirsan Al Jazeera oo duqeyn lagu dilay

Image
Gurigooda la beegsaday ayaa ku yaalla magaalada Jabalia ee waqooyiga Marinka Gaza.

DOOXA, Qadar - Aabaha dhalay wariye ka tirsan Al Jazeera oo lagu magacabao, Anas al-Shariif, oo 67 jir ah, ayaa lagu dilay weerar ay Israa'iil ku qaadday gurigiisa oo ku yaalla magaalada Jabalia ee waqooyiga Marinka Gaza.

Qoyska intiisa kale waxay u qaxeen xarun ay maamusho hay'adda Qaramada Midoobay UNRWA ah laakiin taasi waa u suurtoobi wayday aabaha da'diisa iyo caafimaadkiisa awgeed.

Al-Shariif ayaa u sheegay Al-jazeera in Aabihii uu isla markiiba dhintay kadib markii la duqeeyay gurigii uu ku noolaa. Ciidamadda Yahuuda waxay xoojiyeen duqeymaha maalmihii lasoo dhaafay.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Al-Shariif  ayaa waxa uu intaa ku daray in uusan awoodin in uu booqdo gurigooda sababo ku aadan duqeynta joogtada ah ee Israel.

Al-Shariif ayaa ku nuuxnuuxsaday in uu sii wadi doono in uu soo tabinta dagaalka Israel ee Gaza inkasta oo uu caddeeyay in uu la murugoonayo dhimashadda aabahiisa oo ahaa xubinta ugu muhiimsan ee qoyskooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM