Aabaha dhalay wariye ka tirsan Al Jazeera oo duqeyn lagu dilay

Image
Gurigooda la beegsaday ayaa ku yaalla magaalada Jabalia ee waqooyiga Marinka Gaza.

DOOXA, Qadar - Aabaha dhalay wariye ka tirsan Al Jazeera oo lagu magacabao, Anas al-Shariif, oo 67 jir ah, ayaa lagu dilay weerar ay Israa'iil ku qaadday gurigiisa oo ku yaalla magaalada Jabalia ee waqooyiga Marinka Gaza.

Qoyska intiisa kale waxay u qaxeen xarun ay maamusho hay'adda Qaramada Midoobay UNRWA ah laakiin taasi waa u suurtoobi wayday aabaha da'diisa iyo caafimaadkiisa awgeed.

Al-Shariif ayaa u sheegay Al-jazeera in Aabihii uu isla markiiba dhintay kadib markii la duqeeyay gurigii uu ku noolaa. Ciidamadda Yahuuda waxay xoojiyeen duqeymaha maalmihii lasoo dhaafay.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Al-Shariif  ayaa waxa uu intaa ku daray in uusan awoodin in uu booqdo gurigooda sababo ku aadan duqeynta joogtada ah ee Israel.

Al-Shariif ayaa ku nuuxnuuxsaday in uu sii wadi doono in uu soo tabinta dagaalka Israel ee Gaza inkasta oo uu caddeeyay in uu la murugoonayo dhimashadda aabahiisa oo ahaa xubinta ugu muhiimsan ee qoyskooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Guusha Ninka Muslim-ka ah ee noqday Duqa New York uga dhigan tahay Trump?

Tartanka ugu weyni wuxuu ahaa isaga iyo Andrew Cuomo, oo ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka New York.

  • Caalamka

    05-11-2025

  • 08:01AM

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM