Aasaasihii Wikileaks oo loo gacan-gelinayo Mareykanka

Image
Mareykanka ayaa ku guuleystay racfaankii ay ka qaateen go'aan bishii Janaayo ee maxkamadda UK ee ahaa inaan la dhiibi karin sababo la xiriira caafimaadkiisa maskaxeed.

WASHINGTON, USA - Aasaasihii Wikileaks, Julian Assange, waxaa laga soo wareejin karaa UK loona wareejin karaa Mareykanka, maxkamadda sare Ingiriisla ayaa siddaas xukuntay.

Mareykanka ayaa ku guuleystay racfaankii ay ka qaateen go'aan bishii Janaayo ee maxkamadda UK ee ahaa inaan la dhiibi karin sababo la xiriira caafimaadkiisa maskaxeed.

Garsoorayaasha ayaa lagu qanciyay ballanqaadyada Mareykanka ee ah in la dhimo khatarta is-dilka. Gabadha uu guursaday ayaa sheegtay in ay ku fekerayaan in ay racfaan ka qaataan go'aankan.

Mr Assange ayaa looga baadi goobayaa dalka Mareykanka tan iyo sanadadii 2010-kii iyo 2011-kii sababo la xiriira kumanaan dukumentiyo sir ah oo la daabacay.

Garsoorayaasha sare waxay ogaadeen in garsooraha hoose uu ku saleeyay go'aankiisa bishii Janaayo khatarta ah in Mr Assange lagu hayo xaalado xabsi oo aad u xaddidan haddii la dhiibo.

Si kastaba ha ahaatee, mas'uuliyiinta Mareykanka ayaa markii dambe dammaanad qaaday inuusan wajihi doonin tillaabooyinkaas ugu adag ilaa uu sameeyo fal mustaqbalka u qalma.

Stella Moris oo ah gabadh uu u doonay Mr Assange ayaa xukunka ku tilmaantay mid halis ah oo la marin habaabiyay, iyada oo intaa ku dartay in dammaanad qaadka Maraykanku uu yahay “mid aan la isku halayn karin”.

Mr Assange ayaa lagu xukumay 50 toddobaad bishii May 2019 ka dib markii uu jabiyay shuruudihii dammaanadda kadib markii uu ku dhuuntay safaaradda Ecuador ee London. Waxa uu safaaradda magangelyo ka helay muddo toddoba sannadood ah laga soo bilaabo 2012 ilaa la xidhay April 2019.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo amartay in ay Gaza ka barakacaan in ka badan 100,000 qof

Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan waxa ay ka muujisay amarkan naxdinta leh.

  • Caalamka

    14-05-2024

  • 04:17AM

Ruushka oo gudaha Ukraine ka bilaabay weeraro rogaal celis ah

Dagaalka oo sii xoogeystay tan iyo Jimcihii, ayaa horseeday dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ballaaran iyo barakac baahsan oo rayidka ah.

  • Caalamka

    12-05-2024

  • 05:47PM