Adeegga qidmadda ku xiran ee Twitter oo dib loo bilaabay

Image

WASHINGTON, USA - Shirkadda Twitter ayaa sheegtay in ay dib u bilaabayso in macaamiisheeda ay iibsadaan calaamadda buluugga ah kadib markii ay horey u joojisey labo maalmood oo keliya markii ay hawsha socotay.

Qofka doonaya in calaamadda buluugga ee figta ah loo saaro ciwaankiisa, waxa uu bishii bixinayaa $8 doolar, waxaana loo ballan-qaaday in qoraaladiisa ay aad u faafi doonaan, uuna awoodi doono in uu soo galiyo muuqaalo dhaadheer. Waxa kale oo laga xirayaa xayaysiiska badan ee uu arkayo.

Shirkadaha iyo hay’adaha dowliga ah ayaa loo sameeyay calaamad cusub oo dahabi ah, balse lama sheegin qiimaheed. Dadka ka isticmaala taleefoonka Iphone-ka, iyaga $11 doolar ayay bixinayaan.

Dib-u-dhaca ku yimid adeegan ayaa yimid kadib markii dad si been abuur ah ay isugu dayeen in ay u ansaxsadaan ciwaano ay leeyihiin shirkado waaweyn sida shirkadda Nintendo iyo waliba tan uu leeyahay mulkiile Tusk ee Space X.

Mulkiilaha cusub ee Twitter-ka Elon Musk ayaa weli wajahaya caqabado dhanka fulinta qorshayaashiisa, iyada oo ay jiraan dad badan oo kasoo horjeeda isbadelada uu la yimid oo ay ka mid tahay in aanan la faaf-reebin waxyaabaha la faafinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo taageeray amniga Sacuudiga xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta

Wuxuu sheegay in Sacuudiga laga yaabo inuu u baahdo taageero milatari, gaar ahaan dhinacyada farsamada.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 12:17PM

Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay weerareen goobo xasaasi ah oo ku yaalla Sacuudiga

Dagaalladii ayaa muddo hoos u dhacay, balse xaaladda ayaa mar kale si weyn u kacsatay toddobaadyadii lasoo dhaafay.

  • Caalamka

    20-09-2026

  • 06:30AM