Adeegsiga qalabka is-wada oo laga dalbadey in xeerar loo sameeyo

Image
Mareykanka ayaa hogaaminaya dowladahan dalbanaya in Garaadka Macmalka ah si weyn loo xakameeyo.

AMSTERDAM, Holland - Militariga Maraykanka ayaa bilaabay mashruuc uu dowladaha adduunyada kale kala kaashanayo sidii salka loogu dhigi lahaa xeer caalami ah oo is afgarad ah oo lagu xakameeyo Garaadka Macmalka (Artificial Intelligence) gaar ahaan marka loo adeegsanayo xagga dagaalada iyo hubka.

Qorshahan ayuu Maraykanka shaaciyay kadib markii magaalada Hague ee dalka Netherlands ku dhamaaday shirweyne ay ka qeybgaleen 60 dal, kaas oo looga hadlayay sii faafitaanka Garaadka Macmalka iyo makiinadaha iyaga is dira.

Waxaa aad usoo kordhaya adeegsiga garaadka macmalka ee dagaalada, gaar ahaan dalka Ukraine oo la sheegay in dowladda Ruushka ay aad u adeegsanayso qalab ciidan oo iskood isu wada, iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayd ee gantaalada lagu rakibay.

Maraykanka waxa uu soo jeediyay 12 qodob oo noqonaya xeer caalami ah si looga hortago in makiinad ama qalab isaga is wada uu horseedo musiibo weyn ama dagaalo aan ku talogal ahayn.

Waxa si gaar ah welwel looga qabaa in Garaadka Macmalka lagu rakibo qalabka iyo gantaalada hubka Nukliyeerka, waxaana qodobada lasoo jeediyay ka mid ah in qasab laga dhigo in qalabkani ay markasta maamulaan dadka.

Qodobadan lasoo bandhigay ka sokoow, waxa uu Maraykanka doonayaa in dowladaha adduunka mid kasta iskiis uu u qorto xeerar uu ku xakamaynayo arrintan.

Dowladaha ka qeybgalay shirka Hague ayaa iyaguna ku baaqay baahida loo qabo in dunida xeer ka yeelato sida loo adeegsanayo qalabka iskood isu wada. Garaadka Macmalka (Artificial Intelligence) waa qalab sidda bini'aadamka u shaqeynaya waxaana sanadihii lasoo dhaafay hirgaliyey dowladaha tunka weyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Elon Musk kadib markii uu dhisay xisbiga cusub ee "American Party"

Muranka ka dhashay miisaaniyadda qarashka dowladda ayaa sababay kala fogaansho weyn oo u dhexeeya Trump iyo Musk.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 05:49AM