Afar qof oo lagu dilay toogasho wadareed ka dhacdey Mareykanka

Image
Booliska ayaa shaaca ka dhigay in ay raadinayaan qof ay tuhunsan yihiin uu dambigan geystay.

WASHINGTON, USA - Toogasho wadareed ka dhacday gobolka Maine ee dalka Mareykanka ayaa sababtey dhimashada afar qof iyo dhaawaca saddex, sidda ay xaqiijiyeen saraakiil dhinaca ammaanka ah.

Booliska gobolka Maine ayaa sheegay in la helay meydka afar qof ka dib markii ay askarta ka jawaabeen wicitaan degdeg ah oo kaga yimid guri ku yaal magaalada Bowdoin.

Wax yar ka dib falkaas, waxaa soo baxayay warar sheegaya in dhowr gaari ay rasaas ku haleeshay wadada weyn ee halkaasi ku dhow, sidda laga soo xigtey warbaahinta maxaliga ah.

Mas'uuliyiinta hay'adaha nabad-gelyadda gobolka ayaa rumeysan in dhacdooyinkan uu ka dhaxeeyo xiriir wadajir ah, isla markaana ay raadinayaan qof ay si weyn ugu tuhunsan yihiin.

"Saddexda qof ee dhaawaca ah ayaa lagu toogtay wadada weyn," sida ay sheegtay Fox News. Balse, ma bixin fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waxa ay ahaayeen dadkan.

Toogasho wadareedyadda ayaa aad ugu badan gobolada Mareykanka. Falalkan ayaa lala xiriiriyaa hubka oo ku jira gacmaha dadweynaha. Sharci-dejiyeyaasha ayaa si weyn ugu kala qeybsamay xakameyta hubka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM