Afarta bog ugu culus faylasha laga xaday sirdoonka Mareykanka

Image
Wiil 21-sano jir ah oo lagu magacaabo Jack Douglas Teixeira ayaa xabsi loo dhigay fadeexadan caalamiga ah.

WASHINGTON, United States of America - Dukumiintiyada sirta ah ee laga soo dusiyey wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka ayaa waxay banaanka usoo saareen afar macluumaad aad xasaasi u ah oo u qarsoonaa xukuumada Washington.

Basaasida Antonio Guterres: Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa Maraykanku u arkayay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu ogolaado danaha Ruushka, sidda laga soo xigtay warqadaha, oo muujiyey in Washington ay basaaseyso diblumaasiga ugu sareeya aduunka.

Khasaaraha dagaalka Ukraine: Dukumentiyada ayaa muujinaya in saraakiisha Ruushka ay isku khilaafsan yihiin warbixinta khasaaraha ka dhashay duulaankooda - iyo in hay'adda sirdoonka ugu weyn ay "ku eedeysay" wasaaradda gaashaandhigga inay hoos u dhigtay saameynta dagaalka.

Aargoosiga dowladda Shiinaha: Warqadaha oo ku saleysan xog sirdoon oo la diiaan-geliyey dabayaaqadii Febraayo ayaa fahfaahiyey wadahadallo saraakiisha sare ee Jordan ka yeesheen in shirkadda Shiinaha ee Huawei laga xirayo qorshaha 5G.

Dhaxal sugaha Boqortooyada Jordan, Huseen Bin Cabdullaahi, ayaa lagu waramay in uu walaac ka muujiyey in haddii talaabadan ay qaadaan ay xukuumadda Beijing ay qaadi doonto talaabo aargudasho ah.

Gantaalada Ruushka: Hal Dukumeenti ayaa shaaca ka qaaday in Masar ay qorsheysay inay 40,000 oo gantaal u soo saarto Ruushka si qarsoodi ah. Madaxweyne Abdul Fattah Al-Sisi ayaa la sheegay in uu amarkan bixiyey.

Ciidamada sirdoonka gudaha Mareykanka ee FBI-da ayaa soo xiray wiil si weyn loo tuhunsan yahay in uu ka dambeeyay faafinta dukumiintiyada waaxda difaaca Ameerika ee asbuucan qabsadey warbaahinta caalamka.

Jack Douglas Teixeira ayaa laga soo xiray gurigiisa oo ku yaalla magaaladda North Dighton gobolka Massachusetts. 21-sano jirkan ayaa lagu waddaa in uu isla maanta kasoo muuqdo maxkamadda si uu u wajaho dacwadaha.

Dacwadaha illaa haatan lagu soo oogay oo ku xusan Xeerka Basaasnimadda ayaa waxa uu ku muteysan karaan xukun xabsi oo gaaraya tobban sano oo xarig ah, sida uu xusay Brandon Van Grack, xeer-ilaaliyihii hore ee waaxda cadaalada.

Waa kuma Jack Douglas Teixeira?

Teixeira ayaa dugsiga sare ka qalin-jabiyay 2020-kii. Sannad ka hor waxa uu isku qoray Ilaalada Ciidanka Cirka ee Massachusetts - oo kayd u ​​ah Ciidanka Cirka ee Maraykanka - isaga oo ku biiray Garabka Sirdoonka 102-aad.

Bishii Luulyo la soo dhaafay sanadkan aan ku guda jirno ee 2023-ka ayaa loo dalacsiiyey darajada 1aad ee Airman - oo ah jago yar - wuxuuna saldhigiisu ahaa Otis Air Guard Base ee galbeedka Jaziiradda Cape Cod.

Sidda laga soo xigtey The Guardian oo soo xigatay illo wareedyo, Teixeira waa "khabiir IT oo ku taqasusay nidaamyada amniga internet-ka" waxa uu ciidanka u qaabilsanaa shabakadaha isgaarsiinta militariga, oo ay ku jiraan fiilooyinka iyo xarumaha.

Aabihiis ayaa shaqada ciidanimadda waxa uu ka fadhiistay kadib 34 sano oo uu ku guda jiray, sidda ay ku warantey majaladda Washington Post. Hooyadii waxay hore uga shaqeysay hay'addo NGO ah oo taakuleeya halyeeyadda ciidamadda Mareykanka.

Diiwaanka Mr Teixeira ayaan muujin in uu horey uga soo qeyb-qaatay howlgalo dibadda ah. Xerada uu ka shaqeynayay ayaa kamid ah meelaha ay mamnuuca ka tahay in lala galo nooc walba agab ah oo wax lagu basaasi karo sidda telefoonka gacanta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khasaaro ka dhashay duqeyn ay Yahuuda ka geysatay Bariga Lubnaan

Yahuuda ayaa horey weerartey koonfurta Lubnaan kaasoo ay ku dishay afar xubnood oo hal qoys ah.

  • Caalamka

    06-05-2024

  • 04:17AM

Kaalintii dhexdhexaadinta dowladda Qadar oo darbi ka laad-laada

Yahuuda ayaa miiska soo saartey in kooxda iska-caabinta Falastiiniyiinta ay ka guuraan Dooxa.

  • Caalamka

    05-05-2024

  • 08:49AM