Kala qeybsanaan kasoo dhex muuqatay hoggaanka Taalibaan

Image
Hadalka ayaa loo fasirtay in uu ula jeedo hoggaamiyaha aanan la arag ee Taalibaan Hibatulaah Akhunsada.

KABUL, Afghanistan - Waxaa soo baxaya kala qeybsanaan markii ugu horeysey oo ka dhaxaysa hoggaanksa sare ee ururka maamula dalka Afghanistan ee Taalibaan, iyada oo arrintani ay timid banaanka todobaadyadii lasoo dhaafay.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Siraajudiin Xaqani oo ka hadlayay xaflad qalin jabin ah oo lagu qabtay gobolka Khost ayaa sheegay in aanan loo dulqaadan karin waxyaabo uu ku tilmaamay xukun maroorsi iyo xukun adeeg, isaga oo sheegay in markii ay la wareegeen maamulka dalka ay iyaga fuushay mas’uuliyad ka culus intii hore, tahayna in ay la tashi la sameeyaan shacabka, muujiyaane dulqaad badan.

Hadalka ayaa loo fasirtay in uu ula jeedo hoggaamiyaha aanan la arag ee Taalibaan Hibatulaah Akhunsada.

Hoggaanka Taalibaan ayaa la sheegay in ay si weyn ugu kala qeybsanyihiin sida laga yeelayo dumarka iskuulaadka iyo jaamacadaha dhigta iyo arrimo kale oo dadweyne.

Ninka lagu magacaabo Sabiixulaah Mujaahid oo ka mid ah afhayeenada Taalibaan oo u muuqday in uu u jawaabayay Mudane Xaqaani ayaa yiri “Haddii qofka uu doonayo in uu dhaleeceeyo qof amiir ah, waa in uu si hoose ugu sheegaa ee ma ahan in uu fagaareyaasha ka sheego”.

Hoggaamiyaha Taalibaan Akhunsada oo aanan kasoo muuqan fagaarayaasha, ayaa halmar oo kaliya tagay Kaabul, wuxuuna inta badan joogaa gobolka Khandahaar, isaga oo isku hareereeyay rag isaga ku fikir ah.

Mudane Xaqani ayaa isaga hormuud ka ah koox Taalibaan ka tirsan oo awood badan oo lagu magacaabo Shabakada Xaqani, saldhigoodana waa gobolka Khost.

Arrimaha sida weyn la isugu hayo ayaa waxaa ka mid ah sida laga yeelayo dhaqdhaqaaqa dumarka iyo ka qeybgalkooda qeybaha kala duwan ee nolosha. Dadka qaba in dumarka xoriyado intan ka badan la siiyo waxaa ka mid ah Ra’isulwasaare ku xigeenka Cabdisalaan Xanafi oo todobaadkii hore sheegay in sharciyada adag ee Taalibaan aysan dani ugu jirin danta guud ee shacabka dhibaataysan ee nolosha cayrsanaya. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM