Afghanistan: Khasaaro ka dhashay qarax lala eegtay dugsi diimeed

Image
Aybak waa magaalo yar laakiin qadiimi ah. Qarniyadii afraad iyo shanaad ayay si weyn u soo shaac-baxdey.

KABUL, Afghanistan - Ugu yaraan 15 qof ayaa ku geeriyooday qarax ka dhashay bambaano oo ka dhacay iskuul diimeed oo ku yaal gobolka Samangan ee waqooyiga Afghanistan, sidda uu sheegay sarkaal maxalli ah oo ay soo xigatay warbaahinta Al Jazeera.

Afhayeenka gobolka, Emdadullah Muhaajir, ayaa intaa ku daray in ugu yaraan 20 kale ay sidoo kale ku dhaawacmeen weerarkan lala eegtay iskuulka Aybak ee caasimadda Samangan.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda. Muhaajir ayaa sheegay in baaritaan uu bilowday. Saraakiisha ammaanka waxay tuhunsan yihiin in falkan ay ka dambeysay kooxda Daacish.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka, Cabdul Naafi Taakor, ayaa xaqiijiyay qaraxa, balse wuxuu sheegay in dhimashadu ay marayso 10 qof, iyadoo dhaawacuna uu intaas ka badan yahay.

Aybak waa magaalo yar laakiin qadiimi ah. Qarniyadii afraad iyo shanaad ayay si weyn u soo shaac-baxdey. Gooba ay ku nastaan ganacsatadda ayay muddo ahayd. Sidoo kale, waxa ay xarun u ahayd dadka aaminsan Buddhistaha.

Bishii Sebtembar, ugu yaraan 54 qof - oo ay ku jiraan 51 gabdhood iyo haween da'yar - ayaa ku dhintay ka dib markii qof is-miidaamiyay uu beegsadey hoolka ku yaalla Kabul halkaas oo ay buux dhaafiyeen boqolaal arday ah oo u fadhiyey imtixaan tababar oo loogu talagalay gelitaanka jaamacadda.

Bishii Maajo ee sannadkii hore, ka hor intaysan Taalibaan xukunka ku soo laaban, ugu yaraan 85 qof – oo u badan gabdho – ayaa la dilay, ilaa 300 oo kalena waa lagu dhaawacay, kaddib markii saddex bam ay ku qarxeen meel u dhow dugsigooda oo ku yaalla xaafadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM

Senate-ka Mareykanka Oo Diiday Xeer Lagu Xaddiday Awoodda Trump ee Dagaalka Iran

Hoggaamiyaha Dimuqraaddiga ee Senate-ka Chuck Schumer ayaa ka hor codeynta sheegay in aysan caddayn ujeeddooyinka dagaalka.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 10:52AM