Mareykanka oo daadgureynaysa "turjumaano halis ku jira"

Image

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa lagu wadaa inuu bilaabo daadgureynta turjuMaano reer Afgaanistaan ​​ah oo caawiyay xoogaga uu hogaaminayo Mareykanka intii uu socday iskahorimaadka waxaana loo arkaa inay qatar ku jiraan.

Hawlgalka Allies Refuge ayaa lagu wadaa inuu bilowdo inta lagu jiro Asbuucii ugu dambeeyay ee bisha Luulyo, sida lagu xaqiijiyey qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Aqalka Cad.

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Mareykanku uu ciidamadiisa kala baxayo dalka Afghanistan ka hor waqtiga loo qabtay oo ah 11-ka Sebtember ee uu iclaamiyey Madaxweyne Joe Biden.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, Taalibaan waxay horumar degdeg ah ka sameeyeen waddanka oo dhan, ayaga oo sheeganaya in ay haatan gacanta ku haayaan in ka badan 80%.

"Kuwani waa shakhsiyaad noola shaqeeyay si geesinimo leh. Waxaan dooneynaa inaan hubino inaan aqoonsanno oo aan qiimeyno doorkii ay ciyaareen dhowrkii sano ee la soo dhaafay," afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki ayaa sidaas u sheegtay warbixin kooban.

Sarkaal magaciisa qariyay ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in daadgureynta ugu horeysa ay ku jiri doonaan ilaa 2,500 oo qof oo ay u badan tahay in la dejin doono xarumaha militariga, ama Mareykanka ama wadan seddexaad, inta laga shaqeynayo codsiyadooda fiisaha.

Barnaamijka Visa-ha Muhaajiriinta Gaarka ah waxaa loo fidiyaa kuwa la shaqeeyay dowladda Mareykanka ama xoogagga millateriga ee Mareykanku hoggaamiyo intii lagu jiray dagaalkii Afgaanistaan ​​oo billowday 2001.

Khatarta aargoosiga ayaa aad u sareysa iyadoo Taliban ay horumar deg deg ah ka sameyneyso guud ahaan dalka kana qabsatay xarumo dhowr ah oo dhaca sohdin ciidamada Afghanistan, oo ay ku jiraan kumaandooska Iran, Tajikistan iyo Turkmenistan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM