Al-Asad oo markii ugu horeysay muddo 20 sano ah booqasho ku tagay dalka Shiinaha

Image

BEIJING, Shiinaha - Warbaahinta rasmiga ah ee Shiinaha ayaa sheegtay in Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad uu maanta gaaray Shiinaha, iyadoo ay la socoto xaaskiisa Asma al-Assad.

Baahinta rasmiga ah ee Kaamirada CCTV ayaa soo bandhigtay muuqaal toos ah oo ku saabsan imaanshihiisa magaalada Hangzhou, halkaas oo uu kaga qeyb gali doono furitaanka ciyaaraha Asia.

Tan ayaa ah booqashadii ugu horeysay ee Bashaar Al-Asad uu ku tago dalkan ku dhawaad ​​labaatan sano gudahood. Sida ay sheegaty Wakaaladda wararka ee Suuriya (SANA) labada madaxweyne ee Suuriya iyo Shiinaha ayaa yeelan doona shir madaxeed ay uga hadlay doonaan arrimo dhowr ah oo aan daaha laga rogin.

Waxaana xusid mudan in madax badan ay ka qeyb galayaan xafladda furitaanka ciyaaraha Asia ee 19-aad ee ka dhacaya magaalada Hangzhou 22-23 Sebtembar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM