Al-Assad oo caddeeyay mowqifkiisa ku aadan ka qeybgalka Shirka Jaamacadda Carabta

Image

RIYADH (GO) - Madaxtooyada Suuriya ayaa ku dhawaaqday ka qayb galka madaxweyne Bashaar Al-asad ee shir madaxeedka degdega ah ee wadamada Carabta ee lagu wado in uu sabtida ka furmo magaalada Riyaad ee Dalka Sucuudiga.

Shir madaxeedka degdega ah ee Carabta oo ay martigelinayso caasimadda Sacuudiga, ayaa la isku haleynayaa in lagu gaaro aragti mideysan oo Carbeed oo ku aaddan xiisadda ka taagan Qasa.

Waxaa sidoo kale la soo hadal qaadi doona in gargaar dheeraad ah la gaarsiiyo dadka ku sugan marinka Qasa, lana joojiyo duqeymaha is-daba-jooga ah ay geysanayaan ciidamada Israa’iil.

Xoghaynta Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in uu soo gaaray codsi rasmi ah oo uga yimid labada dal ee Falastiin iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kaas oo ku saabsanaa in la qabto kalfadhi aan caadi ahayn oo ay garwadeen ka tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Iran oo beenisay inay wada-xaajood ka dalbatay Mareykanka xili xiisad dagaal jirto

Tani ayaa ku soo beegmaysa kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu Talaadadii sheegay in “ciidan kale” uu ku sii socdo Iran.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 01:51PM

Spain oo Sharciyo siinaysa Nus Milyan Muhaajiriin Sharci-la’aan ah

Saiz waxay sheegtay in tallaabadan ay tahay mid lagama maarmaan u ah ka jawaabidda xaqiiqada ka jirta waddooyinka dalka.

  • Caalamka

    28-01-2026

  • 09:41AM