Al-Burhan iyo Hemedti oo markii ugu horreyay dagaalka ka dib ku kulmi doona Uganda

Image
Hemedti iyo Al-Burhaan ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin inay isugu yimaadaan kulan.

KHARTOUM (GO) - Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa daaha ka qaaday in Taliyaha Ciiddanka Sudan, Abdel Fattah al-Burhan, iyo Taliyaha Ciiddanka Taageerada Degdegga ah, Mohamed Hamdan Dagalo (Hemedti), ay Talaadada ku kulmi doonaan magaalladda Entebbe ee dalka Uganda.

Kulankan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ay labada dhinac yeeshaan tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka socda dalka Sudan ee u dhaxeeya ciidamada iyo Xoogaga Taageerada degdega ah bartamihii bishii April.

Shirkan dhawaan furmaya ayaa ku soo aadaya, iyadoo lagu dhaqan gelinayo qodobadii ka soo baxay shir madaxeedkii Urur Goboleedka IGAD, kaasoo horaantii bishan December lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Jabuuti.

Maalmo ka hor, Hemedti iyo Al-Burhaan ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin inay isugu yimaadaan kulan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM

Mareykanka oo ansixiyey qorshe $24.3 bilyan oo diyaaradaha F-35 ah looga iibinayo Sacuudi Carabiya

Qorshaha hubka ayaa soo baxay iyadoo Xuutiyiintu si weyn u kordhiyeen…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 02:09AM