Algeria oo xiriirkii diblumaasi u goysay Morocco

Image
Xukuumadda Rabat ayaa sheegtay in ay ka qoomameyneyso talaabadda dhigeeda Algeris.

RABAT, Morocco - Wasiirka arrimaha dibedda qaranka Aljeeriya, Ramdane Lamamra, ayaa Talaadadii asbuucaan wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay in waddankiisa Algeria uu xiriirka diblomaasiyadeed u jaray dhigiisa dalka Morocco.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Morocco ayaa sheegtay inay "ka qoomameynayso" go’aanka "gebi ahaanba aan cudurdaarka lahayn" ee dalka ay jaarka yihiin Aljeeriya ku jaray xiriirkii diblomaasiyadeed.

Marooko iyo Aljeeriya ayaa tobanaan sano xiriirkoodu xumaaday, gaar ahaan arrinta Saxaraha Galbeed. Xadka u dhexeeya Aljeeriya iyo Marooko wuxuu xiran yahay tan iyo 1994-kii.

Tallaabadan ayaa soo afjartay xiisad sii kordheysa oo u dhexeysa dalalkan dhaca Waqooyiga Afrika kuwaas oo ku dhex jiray colaad tobannaan sano soo jiitamaysay oo xuduudahoodu salka ku haysa.

Aljeeriya ayaa todobaadkii hore sheegtay in dabka ka kacay qaybo kamid ah baadiyaha dalkaas ay ka dambeeyaan kooxo ay ku tilmaamtay “argagixiso”, oo mid ka mid ah ay sheegtay inay taageerto Morocco.

Dabka kaymaha ee Aljeeriya, oo qarxay 9-kii Ogosto iyada oo ay jirto kulayl aad u daran, ayaa gubay tobanaan kun oo hektar oo kayn ah waxaana ku dhintay ugu yaraan 90 qof, oo ay ku jiraan in ka badan 30 askari.

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha dibedda ee Aljeeriya ayaa si gaar ah u cambaareeyay "jaajuusnimo abaabulan" oo Morocco ku hayso adeegyada amniga boqortooyadda iyadda oo adeegsaneysa adeega basaasnimada Israel ee Pegasus iyo beegsi ka dhan ah mas'uuliyiinta iyo muwaadiniinta dalkaas, sida ay warisay wakaaladda wararka Algeria ee APS.

Dhaliilaha kale waxay ka koobnaayeen hadaladii laga soo sheegay safiirka Morocco ee Qaramada Midoobey bartamihii bishii Luulyo iyo hadaladii dhawaan ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibedda ee Israa’iil oo ku saabsanaa booqasho taariikhi ah oo uu ku tagay Morocco taas oo qeyb ka ah caadiyeynta xiriirka labada dal.

Morocco oo cilaaqaadka ay la sameysay Yahuuda uu gobolka ka dhaliyey xiisad iyo tabashooyin badan ayaa si adag u beenisay dhamaan eedeymaha kaga yimid Algeria.

Aljeeriya ayaa taageero ballaaran waxay siisaa dhaqdhaqaaqa Polisario ee doonaya madax-bannaani ay ka helaan Saxaraha Galbeedka, oo Morocco ay u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda waana mid kamid ah sababaha xasaradan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM

XOG CUSUB: Halkee Israel kasoo qaadey weerarkii ay ka fulisay Qatar?

Sida laga soo xigtay saraakiil sare oo Mareykan ah, weerarka waxaa fuliyay 12 diyaaradood oo dagaal oo Israa’iili ah—8 F-15 ah iyo 4 F-35 ah.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:01AM