Amiirka Kuwait oo isbitaal la dhigay xilli xaaladdiisa caafimaad ay sii xumaanayso

Image
Wakaaladdu Wararka Kuwait ayaa sheegtay in saaka la dhigay isbitaalka.

KUWAIT (GO) - Wakaaladda wararka Kuwait ayaa sheegtay Arbacadii, in Amiirka dalkaas, Sheikh Nawaf Al-Sabah, la dhigay isbitaalka sababo la xiriira xaalad caafimaad oo degdeg ah.

Wakaaladdu ayaa sheegtay in Amiirka Kuwait saaka la dhigay isbitaalka ka dib markii ay soo wajahday xaalad caafimaad oo degdeg ah si uu u helo daawayntii loo baahnaa islamarkaana maro baaritaano caafimaad.

Warbixinta Wakaaladdu ma aysan xadidin dhibaatada caafimaad ee soo wajahday Sheikh Nawaf Al-Sabah, oo haatan ah 86 jir.

Amiirka ayaa intii uu xukunka hayay dhowr jeer xilka ku wareejiyay ku xigeenkiisa, sababo caafimaad awgeed.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM