Amiirka Qatar oo ka digay in Israa’iil loo ogolaado dhibaateynta shacabka Qasa

Image

DOHA - Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa Talaadadii sheegay inaysan banaanayn in Israa’iil la siiyo ogolaansho aan xadidneyn oo ay ku disho dadka Falastiiniyiinta.

Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga sanadlaha ah ee golaha shuurada ayaa yiri, "Intaas waa ku filantahay, ma ahan Israa’iil in siiyo iftiin cagaaran oo ay ku dilaan dadka Qasa".

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in aan xilligan la ogoleyn in dadka Qasa biyaha laga gooyo, lagana hortago inay gaaran dawooyinka iyo cuntada. Sidoo kale aan la ogolayn in la sii wado iska indha-tirka xaqiiqda ah in gumeysi lagu hayo.

Amiirka Qatar ayaa ka dIgay cawaaqibka ka dhalan kara dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas, isagoo xusay inuu halis ku yahay ammaanka gobolka iyo kan caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM