Antonio Guterres oo digniin kasoo saarey "dunida sii holcaysa"

Image
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa dhambaal u diray madaxda caalamka kahor shirka loo-dhan-yahay ee UN-ka.

WASHINGTON, United States - Madaxa Qaramada Midoobay ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha caalamka ay wax ka qabtaan colaadaha iyo masiibooyinka cimilada, kororka faqriga iyo sinnaan la'aanta dunida.

Isagoo ka digaya wax uu ku sheegay in dunidu ay ku jirto "khatar weyn," Antonio Guterres ayaa sidoo kale wuxuu ku baaqay ka tacaalida kala qaybsanaanta ka dhex jirta quwadaha waaweyn ee kasii daray tan iyo markii Ruushku soo galay Ukraine.

Madaxda dowladaha caalamka ayaa Talaadada maanta ah waxay si fool ka fool ah u kulmaya markii ugu horreysay muddo saddex sano ah oo ay ku kala maqnaayeen Covid-19 aawadiis.

Khudbado iyo hadallo horudhac u ahaa bilawga kulanka hoggaamiyeyaasha Talaadada, Guterres ayaa tibaaxay in madaxda caalamka uu horyaalo "waajibaad culus" oo aan kaliya ahayn badbaadinta meeraha balse ay ku jirto "dabka holcaya" iyo la tacaalidda COVID- 19.

Guterres ayaa intaas ku jiro in xal looga baahan yahay "dhaqaale la'aanta dalalka soo koraya burburka waxbarashada, caafimaadka iyo xuquuqda haweenka.

Khudbadiisa “xaaladda adduunka” ayuu ka jeedin doona furitaanka shirka loo baahan yahay ee Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa kaasoo ah kulanka heer caalami ee sanadle ah.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric, ayaa sheegay in hadal-jeedinta Guterres ay u noqon doonto "kaarka warbixinta ee miyir-qabka ah, wax ku ool ah iyo xalalka diiradda saaraya adduunka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM