Aqalka Cad oo ka warbixiyay su'aal uu madaxweynaha "si khaldan" u fahmay

Image

WASHINGTON - Aqalka Cad ayaa dib uga laabtay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo ku sheegay in Israa’iil ay dib u dhigto weerarkeeda dhulka ee la filayo in ay ku qaado Qasa ilaa laga soo deynayo maxaabiis badan oo ay haystaan ​​Xamaas iyo kooxaha kale ee Falastiiniyiinta.

Wariye ayaa waydiiyay Biden hadii ay tahay in Israa'iil ay dib u dhigto hawlgalka dhulka ee Qasa, wuxuuna ku jawaabay: "Haa."

Laakiin Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha Mareykanka "uusan maqlin su'aasha ku saabsan dib u dhigista Israa'iil ee duulaanka dhulka, wuxuuna u maleynayay in su'aashu ay tahay hadii uu raacsanyahay in la sii daayo maxaabiis badan."

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Madaxweynuhu wuu ka fogay wariyaha, mana uusan maqlin su'aasha”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM

Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

  • Caalamka

    08-12-2025

  • 08:03AM