Aqalka Wakiilada Mareykanka: Waa lagama maarmaan in xilka laga qaado Biden

Image
Biden ayaa hor istaagay baaritaanada lagu wado xubno ka mid ah qoyskiisa.

WASHINGTON (GO) - Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Mike Johnson ayaa sheegay in lama huraan ay tahay xil ka qaadista madaxweyne Joe Biden, maadaama uu hor istaagay baaritaanada lagu wado xubno ka mid ah qoyskiisa.

Dhamaadkii Noofembar ee la soo dhaafay, The Washington Post ayaa soo warisay in Jamhuuriyiinta Aqalka Wakiilada ee Mareykanka ay codeyn gelin doonaan xil ka qaadista Biden toddobaadyada soo socda.

Sida laga soo xigtay Johnson, guddiyo badan oo maxkamadeed ayaa ka shaqeynaya sidii caddaymo loo heli lahaa dambiyada ay ku kaceen xubnaha qoyska Biden, laakiin Madaxweynaha ayaa ka hortagaya isaga oo qarinaya caddaymaha.

Baaritaan ka dhan ah Madaxweynaha ayaa ka bilowday Aqalka Wakiilada ee Mareykanka, ka dib marka uu soo jeediyay Afhayeenkii hore ee Aqalka, Kevin McCarthy,oo isla markaasi xilka laga qaaday.

Guddiga la socodka iyo la xisaabtanka ee Aqalka Wakiilada ayaa baaritaan ku haya in Madaxweynaha Mareykanka uu ku lug leeyahay falalka ay ku kaceen eheladiisa, kuwaasi oo la sheegay in ay uga faa’iidaysteen xilka uu haayo si ay lacag uga sameeyaan daafaha Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM