Aqalka Wakiilada Mareykanka: Waa lagama maarmaan in xilka laga qaado Biden

Image
Biden ayaa hor istaagay baaritaanada lagu wado xubno ka mid ah qoyskiisa.

WASHINGTON (GO) - Afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka Mike Johnson ayaa sheegay in lama huraan ay tahay xil ka qaadista madaxweyne Joe Biden, maadaama uu hor istaagay baaritaanada lagu wado xubno ka mid ah qoyskiisa.

Dhamaadkii Noofembar ee la soo dhaafay, The Washington Post ayaa soo warisay in Jamhuuriyiinta Aqalka Wakiilada ee Mareykanka ay codeyn gelin doonaan xil ka qaadista Biden toddobaadyada soo socda.

Sida laga soo xigtay Johnson, guddiyo badan oo maxkamadeed ayaa ka shaqeynaya sidii caddaymo loo heli lahaa dambiyada ay ku kaceen xubnaha qoyska Biden, laakiin Madaxweynaha ayaa ka hortagaya isaga oo qarinaya caddaymaha.

Baaritaan ka dhan ah Madaxweynaha ayaa ka bilowday Aqalka Wakiilada ee Mareykanka, ka dib marka uu soo jeediyay Afhayeenkii hore ee Aqalka, Kevin McCarthy,oo isla markaasi xilka laga qaaday.

Guddiga la socodka iyo la xisaabtanka ee Aqalka Wakiilada ayaa baaritaan ku haya in Madaxweynaha Mareykanka uu ku lug leeyahay falalka ay ku kaceen eheladiisa, kuwaasi oo la sheegay in ay uga faa’iidaysteen xilka uu haayo si ay lacag uga sameeyaan daafaha Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM