Afgaanistaan: Is-qarxin lala eegtay arday oo sababtay geerida 19 qof

Image
Weerarkan ayaa ka dhacay xaafadda horey looga soo wariyey dhacdooyinkii ugu khasaaraha badnaa ee Afghanistan.

KABUL, Afgaanistaan - Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay xarun waxbarasho oo ku taal caasimadda Afgaanistaan ee Kabul ​​ayaa Jimcada maanta ah waxaa ku dhintay 19 qof xilli ay arday isku diyaarinayeen imtixaan, sidda ay warbaahinta gudaha warisay.

Qaraxan ayaa ka dhacay xaafadda Dasht-e-Barchi ee galbeedka magaalada Kabul, halkaasoo ay ku badan yihiin Muslimiinta Shiicada ah oo ah bulshada laga tirada badan yahay ee Hazara, halkaasoo ay ka dhaceen weerarradii ugu khasaaraha badnaa ee Afghanistan.

"Ardaydu waxay isku diyaarinayeen imtixaan markii weerar ismiidaamin ah lagu qaaday xaruntan waxbarasho, nasiib darro 19 qof ayaa ku shahiiday 27 kalena way ku dhaawacmeen," ayuu yiri afhayeenka booliiska Khalid Zadran.

Dib ugu soo laabashada Taalibaan ee Afgaanistaan ​​sanadkii hore waxay soo afjartay dagaaladii labaatanka sano socday, waxaana si weyn hoos ugu dhacay rabshadihii, laakiin ammaanka ayaa bilaabay inuu sii xumaado bilihii la soo dhaafay.

Shiicada Afgaanistaan ​​ee Hazaras ayaa la kulmaya cadaadis muddo tobanaan sano ah, iyadoo Taliban lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah bulshadda markii ugu horeysay ee ay xukunka qabteen 1996 ilaa 2001. Eedeymaha noocan oo kale ah ayaa mar kale soo kordhay ka dib markii ay dib ugu laabteen xukunka.

Sannadkii hore, ka hor intaysan soo laaban Taliban, ugu yaraan 85 qof -- oo u badan gabdho arday ah -- ayaa ku dhintay, ku dhawaad ​​300 oo kalena way dhaawacmeen ka dib markii saddex bam ay ku qarxeen meel u dhow dugsigooda oo ku yaalla Dasht-e-Barchi.

Bishii Maajo 2020, kooxda ayaa lagu eedeeyay weerar uu dhiig badan ku daatay oo lagu qaaday qeybta hooyada ee isbitaalka xaafadda oo ay ku dhinteen 25 qof, oo ay ku jiraan hooyooyin.

Bishii April ee sanadkan, laba qarax oo dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa ka dhacay xarumo waxbarasho oo ku yaalla deegaankaas, waxaana ku dhintay lix qof, ugu yaraan 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Waxbarashada dalka Afgaanistaan ​​ayaa ah mid isha lagu hayo, iyadoo Talibanka ay gabdho badan ka hor istaageen inay dib ugu laabtaan waxbarashada dugsiga sare, halka dowladda Islaamiga ah ay sidoo kale ka soo horjeedo waxbarashada haweenka iyo gabdhaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kaalintii dhexdhexaadinta dowladda Qadar oo darbi ka laad-laada

Yahuuda ayaa miiska soo saartey in kooxda iska-caabinta Falastiiniyiinta ay ka guuraan Dooxa.

  • Caalamka

    05-05-2024

  • 08:49AM

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM