Argentina: Maxkamad xukun ku gaartay in Iran ay tahay “dowlad argagaxiso”

Image
30-Sano ayaa ka soo wareegtay weerarradii lala beegsaday safaaradda Israa'iil ee Buenos Aires.

Buenos Aires (GO) - In ka badan soddon sano ka dib weerarradii dhiigga badan ku daatay ee Buenos Aires ee lala beegsaday safaaradda Israa'iil, maxkamad ku taal dalka Argentina, ayaa weerarkaas ku eedaysay Iran, kuna dhawaaqday in ay tahay "dawlad argagixiso", sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah.

Xukunkan oo ay baahiyeen warbaahinta gudaha ayaa lagu sheegay in Iran ay amartay weerarkii 1992-kii lagu qaaday safaaradda Israa’iil iyo weerarkii 1994-kii lagu qaaday xarun ay leeyihiin Yahuudda oo lagu macagaabo“Argentine Israel Mutual Association” (AMIA).

Maxkamada ayaa sidoo kale weerarka ku eedeysay kooxda Xisbullah ee ay Iran taageerto, waxayna ku tilmaantay weerarkii lagu qaaday xarunta AMIA– oo ah kii ugu dhiig daadinta badnaa taariikhda Argentina – inuu ahaa “dambi ka dhan ah bini’aadantinimada”.

Carlos Mahikis, oo ka mid ah seddexda garsoore ee go'aanka soo saaray ayaa u sheegay Radio Con Vos, "Xisbullah waxay fulisay howlgal ka jawaabaya qorshe siyaasadeed oo ay dejisay Iran”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan oo ku heshiiyay in ay si wadajir ah isaga difaacaan weerar kasta

Sidoo kale, heshiisku wuxuu dhigaya in la ballaariyo iskaashiga dhinacyada difaaca, tababarrada ciidamada.

  • Caalamka

    07-08-2026

  • 12:14PM

Trump: In dagaalka Iran sii socdo waxaan ka doorbidayaa heshiis

Trump ayaa sheegay in saraakiisha Iran ay la soo xiriireen maamulkiisa ayna dalbadeen in la wada hadlo.

  • Caalamka

    06-08-2026

  • 07:11AM