Arman Soldin: Wariye ka tirsan AFP oo lagu dilay Ukraine

Image
Xubnihii kale ee la socday ayaa dhaawacyo kasoo gaareen weerarka duqeynta ahaa.

PARIS, France - Wakaalada wararka ee AFP ayaa Arbacada maanta ah waxay ku dhawaaqday in lagu dilay dalka Ukraine xiriiriyihii muuqaalada AFP ee dalkaas, Arman Soldin.

Soldin iyo saaxiibadiis ayaa duqeyntu ku heshay oo lagu dilay degaanka Chasiv Yar oo u dhaw magaalada colaada ugu badan ka jirto ee dhacda bariga Ukraine ee Bakhmut.

Ciidamada Ruushka ayaa isku dayaya in ay qabsadaan Bakhmut iyada oo uu halkaasi dagaalku ka socdo sagaal bilood taasi oo ka dhigtay aaga uu ka jiro hardanka ugu badan.

Wariyahaan oo 32 jir ahaa ayaa wakaalada AFP ay sheegtay in isaga iyo kooxdiisu ay la socdeen cutubyo ciidamada Ukraine kamid ah kadib markii lagu garaacay gantaalaha dhulka laga rido. Xubnihii kale ee la socday ayaa dhaawacyo kasoo gaareen weerarka.

Wadanka Bosnia ayuu kasoo jeeday asal ahaan wariyaha la dilay ee Arman Soldin balse waxaa uu haystay dhalashada wadanka Faransiiska.

"Dhimashadiisu waa mid naxdin badan waxayna muujinaysaa khatarta ay wajahayaan wariyayaasha kasoo waramaya colaadda Ukraine" ayuu yiri Agaasimaha AFP, Fabrice Fries.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM