Arman Soldin: Wariye ka tirsan AFP oo lagu dilay Ukraine

Image
Xubnihii kale ee la socday ayaa dhaawacyo kasoo gaareen weerarka duqeynta ahaa.

PARIS, France - Wakaalada wararka ee AFP ayaa Arbacada maanta ah waxay ku dhawaaqday in lagu dilay dalka Ukraine xiriiriyihii muuqaalada AFP ee dalkaas, Arman Soldin.

Soldin iyo saaxiibadiis ayaa duqeyntu ku heshay oo lagu dilay degaanka Chasiv Yar oo u dhaw magaalada colaada ugu badan ka jirto ee dhacda bariga Ukraine ee Bakhmut.

Ciidamada Ruushka ayaa isku dayaya in ay qabsadaan Bakhmut iyada oo uu halkaasi dagaalku ka socdo sagaal bilood taasi oo ka dhigtay aaga uu ka jiro hardanka ugu badan.

Wariyahaan oo 32 jir ahaa ayaa wakaalada AFP ay sheegtay in isaga iyo kooxdiisu ay la socdeen cutubyo ciidamada Ukraine kamid ah kadib markii lagu garaacay gantaalaha dhulka laga rido. Xubnihii kale ee la socday ayaa dhaawacyo kasoo gaareen weerarka.

Wadanka Bosnia ayuu kasoo jeeday asal ahaan wariyaha la dilay ee Arman Soldin balse waxaa uu haystay dhalashada wadanka Faransiiska.

"Dhimashadiisu waa mid naxdin badan waxayna muujinaysaa khatarta ay wajahayaan wariyayaasha kasoo waramaya colaadda Ukraine" ayuu yiri Agaasimaha AFP, Fabrice Fries.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM