Armenia iyo Azerbaijan oo eedeyn is-dhaafsadey kadib dagaal qaraar

Image
Iska-hor-imaadkan ka dhacay gobolka lagu muransan yahay ayaa galaaftey nolosha ugu yaraan shan ruux.

ANKARA, Turkey - Ciidamada Asarbayjaan iyo qowmiyadda Armenian ayaa rasaas isku weydaarsaday gobolka lagu muransan yahay ee Asarbayjaan ee Nagorno-Karabakh, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan shan qof.

Wasaaradda difaaca ee Asarbayjaan ayaa sheegtay in laba askari la dilay ka dib markii ciidamada Asarbayjaan ay joojiyeen kolonyo ay uga shakiyeen in ay hub ka soo qaadeen magaalada ugu weyn gobolka kuna sii jeeday meelo ka baxsan.

Waxa ay sheegtay in kolonyadaasi ay isticmaaleen waddo aan la ogolayn. Dhankaeeda, Wasaaradda arrimaha dibadda ee Armenia ayaa sheegtay in saddex sarkaal oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee Karabakh la dilay.

"Kolanyada ayaa sitay dukumiintiyo iyo bistoolad adeeg ah," ayay tiri, taasoo meesha ka saaraysa eedeymaha Asarbayjaan ee ah in hubka loo sido mid "macno-darro ah".

Wasaaradda waxay kaloo sheegtay in nooca dhacdooyinka Asarbayjan ay ahayd "daandaansi horay loo sii qorsheeyay oo ay bareen hoggaankoodii sare".

Armenia iyo Azerbaijan ayaa waxa dhex maraya laba dagaal in ka badan 30 sano. Labadan dawladood ayaa waxay horey uga mid ahaayeen Midowgii Soofiyeetku ee hadda Ruushka loo yaqaano.

Dagaalkan salka ku haya sidii gacanta loogu dhigi lahaa deegaanka Karabakh ee ay ku nool yihiin Armenian ee Asarbayjan ayaa galaaftay nolosha kumannaan qof waxaana ku barakacay boqolaal kale, sidda ay sheegtay Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda AstraZeneca oo qirtay in talaalka Covid-19 uu keeni karo “xanuun cafimaad”

Talaalkan ayaa si weyn loogu qeybiyay gudaha Soomaaliya sanadkii 2021.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 07:41AM

Banaanbaxyo lagu taageerayo qaddiyada Falastiin oo gilgilay Mareykanka

Ugu yaraan 20 mudaaharaadayaal ah oo taageersan Falastiin ayaa xabsi loogu taxaabay isu-soo-baxyadan aawadeed.

  • Caalamka

    02-05-2024

  • 05:25AM