Armenia iyo Azerbaijan oo laga cabsi qabo in mar kale fooda is-daraan

Image
Wasaaradaha Gaashaandhiga iyo Arrimaha Dibadda Azerbaijan ayaa Armenia ku eedeeyay "daan-daansi cusub".

ISTANBUL, Turkey - Saddex askari oo Asarbayjaan ah ayaa lagu dilay Talaadadii intii uu socday weerar ay ciidamada Armenia ku qaadeen degmada Lachin ee gobolka Bariga Zangezur.

“Abriil 11, saacadu markay ahayd 4:20 p.m iyadoo la adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaa weerar gardaro ah lagu soo qaadey fariisinka ciidamadda difaaca Asarbayjaan ee degmada Lachin ee gobolka Bariga Zangezur,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda difaaca ee Asarbayjaan.

Bayaanka oo shacabka ku booriyey feejignaan dheeraad ah ayaa duulaankaas waxa uu ku eedeeyay ciidamadda Armenia wallow dhankooda aysan illaa hataan wax jawaab ah ka bixin.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Asarbayjaan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in "daandaansiga noocan oo kale ah, oo kasoo horjeeda baaqyada beesha caalamka ee heshiis nabadeed, ay muujinayaan in Armenia aysan dooneyn geeddi-socodka nabadda".

Wasaaradda ayaa sidoo kale waxay ku nuuux-nuux-satay in ficillada ciidamadda Armenia "ay tahay in ay Beesha Caalamka si dhameystiran uga soo horjeestaan".

Xiriirka u dhexeeya Armenia iyo Azerbaijan ayaa ahaa mid kacsan laga soo bilaabo 1991-kii, markaas oo ciidamada Armenia ay qabsadeen gobolka Nagorno-Karabakh oo ka tirsan Asarbayjaan.

Deyrtii 2020, Asarbayjaan waxay ka xoraysay magaalooyin dhowr ah, tuulooyin iyo degaano ay ka haysatay Armenia. Heshiis uu Ruushka garwadeen ka ahaa ayaa sababay in xabadda istaagto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Guusha Ninka Muslim-ka ah ee noqday Duqa New York uga dhigan tahay Trump?

Tartanka ugu weyni wuxuu ahaa isaga iyo Andrew Cuomo, oo ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka New York.

  • Caalamka

    05-11-2025

  • 08:01AM

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM