Ashraf Ghani oo si adag iskaga fogeeyay warar laga faafiyey

Image
Madaxweynihii Afghanistan ayaa kasoo muuqdey muuqaal lagu faafiyey ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

ABU DHABI, UAE - Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Afghanistan, Ashraf Ghani, ayaa beeniyay inuu dalka ka cararay saacado uun kadib markii la xaqiijiyay inuu magangalyo ka helay Isu-taga Imaaraadka Carabta (UAE).

Khudbad toos ah oo uu ka jeediyey Facebook ayuu Ghani mar kale ku celiyey in ay ahayd in uu ka tago Afghanistan "si looga hortago dhiig daata" iyo in laga fogaado waxa uu ugu yeeray "musiibo weyn".

Ghani ayaa cod dheer wuxuu sheegay inuu la xiriiray saraakiisha si "aan u sii wado dadaalka aan ugu jiro caddaaladda dadka reer Afgaanistaan". Balse ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Hogaamiyahan baxsadka ah ayaa sidoo kale diiday wararka la isla dhexmarayo ee ah inuu lacag badan dalka kala baxay - isagoo tibaaxay in wararkaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

Safiirka Afghanistan ee Tajikistan ayaa Talaadada maanta ah wuxuu ka dhawaajiyey in Ghani uu horey u qaatay ku dhawaad aduun lacageed dhan ​​$169m (£123m) markii uu baxay.

Goor sii horreysay, Imaaraadku waxay sheegeen inay ku soo dhaweeyeen Ghani iyo qoyskiisa sababo la xiriira bini’aadanimo. Balse ma aysan shaacin goobta uu kaga sugan yahay waddankaas Khaliijka dhaca.

Dhanka kale, duulimaadyadii daadgurayntu way sii socdaan. Wararka ayaa sheegaya in dadka reer Afgaanistaan ​​ay garaaceen ciidamada ilaalada Taalibaan iyagoo kusii jeeday garoonka diyaaradaha.

Aqalka Baarlamaanka UK ayaa yeeshay dood ku saabsan qalalaasaha Afghanistan. Ra'iisul wasaare Boris Johnson ayaa la kulmay dhaleeceyn badan oo uga timid mudanayaasha baarlamaanka doorka UK ee Afghanistan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lufthansa oo joojisay 20,000 oo duullimaad colaadda Bariga Dhexe darteed

Madaxda shirkadda ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay u ilaalin lahaayeen xasilloonida duullimaadyada caalamiga ah ee fogfog.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 01:47PM

Ruto oo cambaareeyay weerarada lagu qaadey Imaaraadka xili uu Abu Dhabi booqday

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sarre oo ka tirsan madaxtooyada Imaaraadka iyo xubno ka tirsan dowladda Kenya.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 12:49PM