Askar ka tirsan ciidamada badda Mareykanka oo lagu la'yahay xeebaha Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Gobolka Geeska Afrika ayaa waxaa dib ugu soo laabanaya burcadbadeedda.

Washington (GO) - Milatariga Mareykanka ayaa war saxaafadeed uu soo saaray Maanta ku sheegay in labo askari oo ka tirsan ciidamada badda Mareykanka lagu la’yahay badda xilli ay howlgalo ka sameynayeen xeebaha Soomaaliya fiidnimadii Khamiista.

Milatariga Maraykanka ayaa xaqiijiyay inay wadaan hawlgallo ay ku baadigoobayaan labada sarkaal, waxaana lagu soo gabagabeeyay war saxaafadeedka in aan la bixin doonin xog dheeri ah ilaa markii la ogaado halka ay ku suganyihiin.

Taliska Dhexe ee Mareykanka oo ka warbixiyay shaqda ay hayeen labada askari ayaa sheegay in la geeyay aagga ay ka howlgalaan qeybta 5-aad ee Ciidamada Badda Maraykanka, si ay uag qeyb qaataan hawlgallo halkaas ka socday.

Gobolka Geeska Afrika ayaa waxaa dib ugu soo laabanaya burcadbadeedda, iyadoo afar weerar dhawaan lagu qaaday maraakiib laga leeyahay dalal shisheeye.

Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay ciidamadeeda ku sugan xeebaha Soomaaliya, si ay u fuliyaan howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka marin biyoodka Cadan, oo ah marin muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Fiisooyinka u diiday Ardayda Shiinaha, Xiisad Cusub oo Ka Dhex Oogan Labada Dal

Beijing waxay uga digtay Washington inay ka fiirsato go’aannada noocan oo kale ah, kuwaas oo ay ku sheegtay inay dhaawacayaan xiriirka labada waddan.

  • Caalamka

    29-05-2025

  • 03:20PM

Elon Musk oo Ka Tegay Maamulka Trump, Kaddib Muran Siyaasadeed iyo Dhaliil Cusub

Mas’uul sare oo ka tirsan Aqalka Cad, kaas oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa xaqiijiyay in Musk uu ka tegay Waaxda DOGE.

  • Caalamka

    29-05-2025

  • 03:08PM