Askari maxbuus ku noqdey Muqdisho oo goobaya Senatornimo

Image
Magaciisa wuxuu si weyn caan u noqdey kadib dhacdadii "Black Hawk Down" oo wali ku suntan sooyaalka Mareykanka.

WASHINGTON, USA - Mike Durant oo kamid ahaa askartii Mareykanka ee ka badbaadey dagaalkii Muqdisho 1993 ayaa u tartamaya kursi Senator oo laga soo dooranayo gobolka Alabama sanadka 2022-ka.

Durant wuxuu u ahaa duuliye hawlgalada gaarka ah laga bilaabo 1988 illaa 2001. Wuxuu shaqada ciidamadanimada ka fariistey isaga oo haysta darajadda afaraad ee milatariga Mareykanka.

Magaciisa wuxuu si weyn caan u noqdey kadib dhacdadii "Black Hawk Down" oo weli ah mid ka mid ah sheekooyinka dagaal ee ugu xiisaha badan taariikhda casriga ah ee Mareykanka.

Intii uu ku guda jiray hawlgalkii Dagaalkii Muqdisho, Durant ayaa kamid ahaa askartii Ameerikaanka ee u gacan-galay maleyshiyaadkii Soomaalida ahaa kuwaasoo kalkii dambe isaga oo nool sii daayey.

Markii la sii daayay, Durant oo maxbuus ahaa muddo ku suntan 11 maalmood wuxuu sii waday gudashadda waajibaadkiisa qaranka illaa aakhiritaankii uu ka fariistey shaqadda ciidanimadda.

Sannadkii 2006, Durant wuxuu qoray buugga "Shirkadda Geesiyaasha: Sheekada Shakhsiyeed ee Ka Dambeysa Black Hawk Down," kaasoo bixiyey tafaasiil fahfaahsan oo ku saabsan dhacdooyinka dhacay.

Durant waa madaxweynaha iyo maamulaha Injineerinka hawada sare iyo shirkadda horumarinta wax soo saarka Pinnacle Solutions, Inc, oo ah shirkad ganacsi yaryar leh oo xarunteedu tahay Huntsville.

Shirkadda ayaa sidoo kale maamusha goobo dayax-gacmeed oo ku yaal Kentucky iyo California. Pinnacle si lamid ah waxay shuraako la tahay warshado, Waaxda Difaaca Mareykanka iyo NASA.

Durant oo siyaasi firfircoon ah ayaa xubin ka ah guddiyada agaasimayaasha  ee ururka ay ku mideysan yihiin ciidamada howlgalada gaarka Mareykanka iyo askartii shaqadda ka fariisatay.

Sidoo kale wuxuu doorarkii hoggaamineed ka cayaarey ololihii doorashada madaxwayne George Bush ee 2004 iyo sidoo kale ololihii madaxweynenimada 2008 ee Seneator John McCain.

Markii wax laga weydiiyay musharraxnimadiisa ku aaddan Senate -ka Mareykanka, Durant wuxuu u sheegay YN inuu si lama filaan ah u qaadan doono go'aan ku saleysan "waxa ay ku jirto danta gobolkayga".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taangiyadda Yahuuda oo lagu arkay magaalo ku dhow xuduudka Masar

Tallaabadan ayaa timid saacado ka dib markii Xamaas ay ku dhawaaqday inay aqbashay hindise xabbad-joojin ah.

  • Caalamka

    07-05-2024

  • 03:46AM

Khasaaro ka dhashay duqeyn ay Yahuuda ka geysatay Bariga Lubnaan

Yahuuda ayaa horey weerartey koonfurta Lubnaan kaasoo ay ku dishay afar xubnood oo hal qoys ah.

  • Caalamka

    06-05-2024

  • 04:17AM