Australia: Kala carar ka dhashay shan libaax oo baxsadey

Image
Kadib daqiiqado naxdin leh, mas'uuliyiinta beerta lagu xanaaneeyo xayawaanada ayaa xaalada caadi kusoo celiyey.

SYDNEY, Australia - Shan libaax oo ka baxsaday xeradii ay ku jireen oo ku taal caasimada Australia ee Sydney ee Taronga Zoo ayaa sababtay muddo kooban kala carar ah, sidda ay saraakiisha sheegeen.

Sida laga soo xigtey mas’uuliyiinta degaanka oo u waramay saxaafadda, hal libaax oo qaangaar ah iyo afar dhalaan ah ayaa lagu arkay bannaanka xeradii ay ku jireen Arbacadda maanta ah.

"Libaaxyada waxaa lagu arkay meel yar oo ku dheggan moorada weyn, halka inta kale ay ku jiraan goobti loogu talagalay," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xarunta Xayawaanka ee Taronga.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Dhammaan dadkii goobta ku sugnaa waxaa loo raray goobo nabdoon. Afar ka mid ah libaaxyadii ayaa si deggan ugu soo laabtay godadkoodii, midka kalana si ammaan ah ayaa loo dejiyay".

Tani ayaa ka dhigan in aysan jirin cid ay waxyeelo u geysteen xayawaanadan halista badan. Hase ahaatee, waxay waxyar muujinaysaa habac-sanaan ka jirta beertan lagu ilaaliyo duurjoogta.

Qaar kamid ah dadkii ka akdhowaa goobta ay ku baxsadeen libaaxyadda ayaa sheegay in ay soo martey daqiiqado naxdin leh, halka qaar kale ay ku tilmaamay "daqiiqado aysan iloobin doonin".

"Tani waa dhacdo muhiim ah, waxaana hadda socda dib u eegis dhameystiran si loo xaqiijiyo sida saxda ah ee libaaxyadu uga soo baxeen mooradooda," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaaafdeedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM

Senate-ka Mareykanka Oo Diiday Xeer Lagu Xaddiday Awoodda Trump ee Dagaalka Iran

Hoggaamiyaha Dimuqraaddiga ee Senate-ka Chuck Schumer ayaa ka hor codeynta sheegay in aysan caddayn ujeeddooyinka dagaalka.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 10:52AM